4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia kawada tirsan ku Dhexmaray Magaalada Muqdisho


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamaya xaafadda Zone K oo degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ka tirsan, kuwaas oo dagaalkoodu uu salka ku hayo dhismayaal laga duminayo xaruntii kabka Millateriga oo ku taalla waddada Warshadaha ee Muqdisho.

Inta la og-yahay saddex Askari ayaa iska-horimaadkaas ku geeriyooday, iyadoo tiro intaas ka badana way dhaawameen in ku dhow 10-kale, iyadoo shacabkii ku noolaa deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka socdo ay isaga barakaceen.

Goob-joogayaal ayaa HOL u sheegay in Ciidamada Dagaallamaya ay yihiin kuwo iska soo Hor-jeeda, iyadoo Koox ka mid ah ay diidan yihiin in Dhismayaasha Warshadii Kabka ku yaalla la dumiyo iyo kuwo doonaya inay jabiyaan.

“Saaka deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxaa soo gaaray ciidammo badan oo wata gaadiidka dagaalka iyo cagaf-cagafyo, kuwaasoo qorshahoodu ahaa inay dumiyaan guryo shacabku ka dhisteen warshaddii kabka millateriga; balse dagaal ayaa ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaankaas oo HOL la hadlay.

Isagoo sii hadlaya ayuu goob-jooguhu sheegay in ciidamada dagaalku u dhexeeyo ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, Dadkiina ay isaga carareen Guryahooda.

“Xaafadda oo Xaaladdeedu way kacsan tahay, Dadku waxay billaabeen inay Gurayhooda isaga Barakacayaan, iyagoo baqdin ka qaba in dagaalka ay waxyaallo kasoo gaarto,” ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo HOL la hadlay ayaa iyaguna sheegay in la toogtay mid ka mid ah darawalladii waday cagaf-cagafyadii dumin lahaa dhismayaasha Warshada Kabka Millateriga laga dhisay, dagaalkuna uu sidaas  ku billowday.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka Hadlin iska Horimaadka ku dhexmaraya degmada Hodan Ciidamada Dowladda Somalia, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay deegaankaas ku Dagaallamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya