4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Kulan lacag loogu ururiyay Wadada isku-xira Gaalkacyo iyo Hobyo oo lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Waxaa Shalay Magaalada Muqdisho lagu Qabtay Kulan dhaqaale loogu ururinayey dib u dhiska waddada isku xirta Gaalkacyo iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug oo dhererkeedu yahay 270-km, taasoo burbur xoogan uu ka muuqdo ka dib markii aysan wax dayactir ah helin muddo 25 sano ah.

Kulanka waxaa soo qaban-qaabiyay guddiga horumarinta iyo baraarujinta bulshada (GOB) oo loo xilsaaray inay bulshada deegaannadaas kasoo jeeda ka ururiyaan dhaqaale (ISKAA WAX U QABSO) ah oo dib loogu dhiso waddadan ka dib shirweyne lagu qabtay koonfurta Gaalkacyo bishii Feberaayo ee 2015-ka kaasoo ay ka Qayb-galeen maamulka iyo Qaybaha Bulshada Galmudug.

Aqoon-yahanno, waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato, culumaa’udiin, haween, dhalinyaro iyo qeybaha bulshada ka soo jeeda Koonfurta Mudug ee ku dhaqan Muqdisho ayaa kulankan lagu casuumay si ay kaalin uga qaataan dhismaha wadadan.

Guddoomiyaha guddiga GOB C/qaadir Shirwac oo kulanka furay dhowaana ka yimid magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey xaalada wadadaas, isagoo soo bandhigay filim laga soo qaaday oo muujinaya burbur xoogan oo ka muuqda jidka iyo Boholo meelaha qaarkood ka sameysay kuwaasoo hoos u qodan qiyaastii labo mitir.

“Dadka qaar oo warmoog ah waxay leeyihiin dekeda Hobyo Maxaa loo dhisi la yahay, Deked la dhiso waxba tari meyso haddii aysan jirin wadadii la marin lahaa wixii ka soo dega, lacagta ku baxeysa jidkan waxaa lagu qiyaasay todoba milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar, lacagtaasna meel kale laga sugi mayo (Dal dadkiisaa dhisa),  reer Gaalkacyo hal milyan baa lagu qoray, dadka ka soo jeeda degaanadaas ee Muqdisho ku dhaqana sadex milyan, inta kale dadka qurbaha ku nool ee degaanadan ka soo jeeda ayaa laga rabaa, guddigeena waan isqeybinay qeyb Gaalkacyo iyo Hobyey joogaan, anagoo koox kale ahna waxaan soo aadnay Muqdisho si aan uga ururino sadexda milyan ee lagu soo qoray, qeyb kalena dibedahay aadeysa ” ayuu yiri C/qaadir Shirwac.

Sheekh Maxamed Cabdi Kaahiye oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay faa’iidada aduun iyo aakhiro ay leedahay ka qeyb qaadashada dhismaha wadooyinka, isagoo xusay iney tahay sadaqo Jaariya ah, wuxuuna ugu baaqay xubnaha ka qeyb galay kulankan iney wax ku darsadaan.

Inj. Cumar Maxamud Aftooje oo kulankaas ka hadlay ayaa isna ka warbixiyey qiimeyn iyo sahan ay ku soo sameeyeen burburka wadadaas iyo qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo wuxuuna xusay in halkii Km ay ku baxeyso lacag dhan 25 kun oo dollar, wadaduna dhererkeedu yahay 270-km isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey qalabka loo baahan yahay iyo sida dhismaheeda loo dhameysturi karo.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaliyeed ahna gudoomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa isna khudbad ka jeediyey kulankaas wuxuuna u hambalyeeyey guddiga GOB ee howshan iyo howlo kaleba oo horumarineedba ka wada ka wada gobolka Mudug.

“Hooyada ku foolaneysa Hobyo haddey qaliin deg deg ah u baahato meesha ugu dhow ee la geyn karo waa Gaalkacyo aan isweydiino waqtiga ay qaadan karto in la gaarsiiyo iyadoo wadadu ay sidan tahay” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar oo ku baaqay in laga qeyb qaato dhismaha wadadaas.

Waxaa uu soo jeediyey Dhaqtarku in sadexda milyan ee la soo bandhigay loo bedelo 150 saami oo midkiiba uu noqonayo 20 kun oo dollar, taasoo sahleysa in qof walba uu qaato saami ama dhowr saami, iyadoo dadka aan awoodina dhowrkii qofba ay hal saami isugu tagi karaan.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaashii kulankaas oo boqol xubnood kor u dhaafayey ayaa kala qaatay saamiyadii, iyagoo ku yaboohay lacago isugeyntoodu gaareysay ku dhowaad $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar), waxaana la magacaabay guddiyo soo ururiyo lacagaha la yaboohay, isla markaana wargeliya dadka aan ka qeyb gelin kulankaas si ay kaalintooda uga qaataan.

Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Abwaan Sugaal Cabdulle oo tiriyey gabay Duco ah, Dr. Cumar Salaad Cilmi oo ka tirsan guddiga GOB, Ganacsade Suufi Jaamac Geelle, Marwo Cibaado Warsame Dhooley iyo qaar kale oo dhamaantood ka waramay muhimada weyn ee ay leedahay dhismaha waddadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya