4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2015
BAN KI-MOON: Dhibaatada Yemen waxay furi kartaa Jid ay Jihaad-doonku u Maraan Somalia


Talaado, May 19, 2015 (HOL) — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Warbixin cusub oo uu maanta soo saaray kaga digay in Dhibaatada Dalka Yemen ka tagan ay furi karto waddo ay Somalia u maraan kooxaha jihaad-doonka ah si ay amniga u walaaciyaan.

Ban Ki-Moon oo soo xiganayay warbixin ku saabsan halista Al-shabaabta Soomaaliya oo shalay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay loo gudbiyay ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Yemen ay halis sii galinayso gobolka ayna Jihaad-doonka ah ay galaan Somalia si ay dhibaatada jirta u sii xoojiyaan.

Dalka Yemen ayaa in muddo ahi ka socdeen colaado siyaasadeed oo u dhexeeya ciidamada dowladda taageera iyo kooxaha Xuuthiyiinta ee Shiicada, iyadoo ay ka howlgalaan dalkaas kooxo ku xiran Al-Qaacida.

Ki-Moon ayaa sheegay in walwal aad u weyn laga qabo amniga Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayso Puntland iyo deegaanno kale oo ka tirsan Somalia oo ay ku jirto Muqdisho.

Sidoo kale, Ki Moon ayaa Xusay inay lagama maarmaan tahay in Howlgallada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya lasii wado, Beesha Calaamkuna ay ka taageerto howlgalkaas dhinaca dhaqaalaha.

“Warbixinta aan ugu talo-galay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaan uga hadli doonaa Horumarka Soomaaliya laga Sameeyay iyo sidii looga soo bixi lahaa Qorshaha ay Qaramada Midoobay kula Wareegayso Howsha nabad-ilaalinta ah ee Soomaaliya,” ayuu Ki-Moon ku Warbixintiisa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-galiyay Deeq-bixiyayaasha inay bixiyaan lacag dhan 863-milyan oo dollar oo lagu caawiyo 2.8 million oo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo u baahan gargaar caafimaad oo deg-deg ah.

Dhanka kale, wuxuu walaac ka muujiyay saamaynta xayiraadaha Xawilaadaha ay ku keeni karto dhaqaalaha Somalia, kuwaasoo lagu diri jiray 40% lacagta ay ku nool yihiin shacabka ku nool gudaha Somalia ku nool.

Ugu dambeyn, Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay la yimaadaan habab kale oo Lacagaha Dibadda lagu diro inta laga Abuurayo Bangiyo rasmi ah oo ka howlgala Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya