4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2015
Shirkii Golaha Wasiirrada oo looga Hadlay Kor u Qaadida Dakhliga soo gala Dowladda (SAWIRO)


Talaado, May 19, 2015 (HOL) — Kulankii ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Somalia ayaa looga hadlay arrimaha Maaliyada, iyadoo shirka warbixin looga dhagaystay Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Farkeeto isagoo warbixin ka siiyay golaha dakhliga dowladda soo gala, si dowladdu u hesho dakhli ay ku dabooli karto baahiyaha taagan.

Shirka ayaa lagu soo hadal-qaaday sidii ay shirkaduhu u bixin lahaayeen Caanshuurta ku waajibtay iyo in kor loo qaado tayeeynta shaqaalaha canshuuraha uruuriya.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan golaha wasiirrada uga warbxiyay sidii loo maarayn lahaa dakhliga dowlada u soo xarooda iyo in wixii su’aalo ah oo arrintan maaliyadda dalka ku saabsan, waana arrin soo dhaweyn mudan in xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siisay maanta dhagaysiga talooyinka Wasaaradda iyo Warbixinnadeeda," ayuu  yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Xusay in Dowladda Somalia looga Fadhiyo in Shacabkeeda ay siiso adeegyada lagama maar-maanka u ah noloshooda sida; Waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo sheegay in dhammaan arrimahan aan lagu guulaysan karin haddii aan la helin dhaqaale wax looga qabto.

Wasiirka maaliyadda ayaa dhanka kale sheegay inay golaha u soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda sannadkan 2015-ka, si loogu saleeyo dakhliga u soo xarooda dowladda iyo in wax la iska weydiiyo dhaqaalihii laga filayay dibadda oo aan weli soo xaroon.

“Miisaaniyaddii aan ku talo-galnay sannadkan 2015-ka waxay ku salaysnayd 50% dakhliga gudaha dalka kasoo xarooda, waxaa ku yimid hoos u dhac miisaaniyaddii aan ka filaynay dibadda. Waxaana la isku raacay in la beeqaamiyo kharashyada ku baxaya dowaldda. Dood dheerr kaddibna waxaa la qaatay talo-soo-jeedin ku aadan sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha dalka kasoo xarooda; iyadoo Wasaarad walba lagula xisaabtami doono dakhliga ay soo xareyso, si loogu shubo bangiga dhexe ee dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Fargeeti.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa xusay inay diyaar u yihiin in Shacabka Soomaaliyeed la xisaatamaan Wasaarada Maaliyada, si ay wax uga ogaadaan kharashaadka soo gala dowladooda iyo meelaha ay ku baxaan, Shacabkuna Xaq ayay u leeyihiin inay ka helaan dowladooda adeegyada ay u baahan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya