4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2015
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo looga yeeray Baarlamaanka iyo Qodob la Meel-mariyay


Talaado, May 19, 2015 (HOL) — Kulanka ay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho ayaa lagu go'aamiyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) uu maalinta berri ah horyimaado Baarlamaanka si wax looga Weydiiyo Mooshin laga keenay Baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubbaland.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlmaaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay Baarlamaanka Jubbaland, iyagoo mooshinkooda u sababeeyay in baarlamaankaas lagu soo xulay qaab ka duwan awood-qaybsiga dadka ku nool Gobolladaas .

Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlmaaanka ayaa Kulankooda Maanta ku Meel-mariyay in Xildhibaankii ka Maqnaada Kulan ka mid ah Kulammada Baarlamaanka Laga Jaro $100 mushaarkiisa billaha ah, iyadoo arrintan ay noqonayso tani ugu horreysay Baarlamaanka Somalia uu meel-mariyo.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa hadal uu jeediyay kaga Warbixiyay howlaha Horyaalla Baarlamaanka, isagoo sheegay inay yaallaan Sharciyada Saxaafadda, La-dagaalanka Argagaxisada iyo shaqaalaha ajaanibta ah, guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha iyo kan guddiga Adeegga Garsoorka.

“Waxaa nalaga rabaa inaan Hindise-sharciyeedyadan ku Ansixino kal-fadhigan, Maadaama howlaha noo harsan ay yihiin kuwo fara badan,” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka, Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale u Mahad-celiyay Guddiga ku Howlan Dib u soo celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku xaniban Dalka Yemen, kuwaasoo Qaarkood ay horay u soo gaareen Muqdisho, Puntland iyo Somaliland.  

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudo-galay inay ka doodaan mooshinka laga keenay baarlamaanka Jubbaland; iyadoo go’aansaday in maalinta berri ah hor-yimaado Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Odawaa si Su’aalo loogu Weydiiyo Mooshinka laga keenay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya