4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2015
Wafdi Isugu jiray xildhibaanno, siyaasiyiin iyo oday-dhaqameedyo ah oo Gaaray Beledweyne (SAWIRRO)


Talaado, May 19, 2015 (HOL) — Xubnaha wafdigan oo Baladweyne kusoo kala horreeyay ayaa waxaa kala hoggaaminayay xildhibaan Max'ed Amiin Xasan C/llaahi iyo Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi, oo labaduba ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdiga  ayaa waxaa qeyb ka ahaa siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Cali C/llaahi Cosoble oo horay u soo noqday wasiir, xildhibaan hore Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Ugaas Cabdi Daahir, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo isugu jiray waxgarad iyo aqoonyahanno.

Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, oo ay wehliyeen xildhibaanno meelmihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa magaalada.

Wafdiga ayaa markiiba loo soo galbiyay madasha uu ka soconayo shirweynaha dib-u-hishiisiinta iyo aayo ka tallinta gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen dhamaanba ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka.

Hadallo kala duwan oo ay halkaa ka jeediyeen xildhibaannada iyo waxgaradka lagu soo dhaweeyay madasha ayeey ku sheegeen ujeedada socdaalkooda mid la xiriirta xoojinta shirweynaha oo ay ku tilmaameen mid laga fillayo go'aammo wax ku ool ah.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay ka mahad celinayaan marka hore sidda ballaaran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne, waxaana ay dhinaca kale bogaadisay kuna dheeraatay muhiimada shirkan uu u leeyahay guud ahaanba dadka dega gobollada dhexe iyo waxa laga filan karo.

”Waxaan rabaa in aan hambalyeeyo shirka iyo sidda uu u socdo ilaa iyo hadda, waxaan rajeynayaa in ugu danbeyntii shirweynahan miro dhalo kana soo baxaan go'aammo wax ku ool ah oo saameyn doona bulshada kuwada dhaqan gobollada dhexe ayeey tiri'' xildhibaan Jawaahir.

Ugaas Cabdi Daahir oo ka mid ah duubabka dhaqanka ayaa maanta isaga iyo xubnaha ku wehlinayay safarka imaatinkooda Beledweyne oo sida uu hadalka u dhigay muddo dheerba ay ku taamayeen.

“Anniga iyo xubnaha ila socda oo aan safarka soo wadda -galnay sharaf ayay inoo tahay in aynu soo gaarno Beledweyne, wuxuuna rajeynayaa shirka guul iyo hormar ayuu yiri Ugaas Cabdi Daahir.

Sidoo kale, Cali C/llaahi Cosoble oo ka mid ahaa siyaasiyiintii maanta gaaray Beledweyne ayaa dhinaciisa u mahad celiyay howl-wadeenada shirka iyo ergada ka qeyb-qaadaneysa, isaga oo sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay oo kaliya in ay ka qeyb-gallaan shirka islamarkaana ku biiriyaan aragtidooda.

Guddoomiyaha guddiga hogaaminaya shirka nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa isna u mahad celiyay wafdiga, isaga oo socdaalkoodana ku tilmaamay mid guul u ah shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya