4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2015
Doon sida in ka badan kun qof oo qoxooti Soomaaliyeed oo Maanta ku Wajahan Dekedda Boosaaso


Talaado, May 19, 2015 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay dekeda degmada Boosaaso soo gaarto doonni sidda in ka badan 1,000 ruux oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka soo cararaya colaadaha ka taagan dalka Yemen.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii doon sidda in ka badan 1,700-qof oo Soomaali ah kusoo xiratay dekeddaas, kuwaasoo isugu jiray rag, dumar, waayeel iyo caruur, waxaana doonidan ay imaanaysaa xilli ay billowdeen in dadkii Yemen kasoo cararay ee Boosaaso soo gaaray loo ambabixiyo qaarkood deegaannadii ay ka yimaadeen.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaalo culus oo ku qasbay dadka aan u dhalan dalkaas iyo kuwa u dhashayba inay isaga cararaan, si ay colaadaha uga badbaadaan, iyadoo Shalay Muqdisho laga soo dajiyay in dadkii ugu horreeyay oo laga keeno Yemen.

Yemen ayaa waxaa ku nool kumannaan Soomaali ah, kuwaasoo isugu jiray qoxooti, qoysas deggenaa iyo arday, waxaana dhammaantood ay billaabeen inay dalkaas isaga baxaan, iyadoo la xusuusto in 30-qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday dalkaas.

Wixii Warar ah ee kusoo Kordha Soomaalida kasoo Cararay emen ee Dekedda Boosaaso wajahan waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya