4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2015
Maxkamada Ciidamada oo Markii ugu horeysay xukun dil Toogsaho ah ka Fulisay Baydhabo


Talaado, May 19, 2015 (HOL) — Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay saaka nin la sheegay inuu Al-shabaab ka mid ahaa uuna ku lug lahaa Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday 12-kii Maarso ee sannadkan madaxtooyada Baydhabo.

Ruuxa dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray, C/llaahi Cumar, iyadoo xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada ay sheegtay inuu baabuur miineysan dhigay meel ku dhow madax-tooyada Baydhabo, kaasoo qarxay xilli dambe.

Sidoo kale, xeer-iaalinta maxkamadda ciidamada ayaa in ciidamada amniga ay soo qabteen ninkan, kaddib weerarkii madaxtooyada, iyadoo xukunka toogashada ah ee lagu fuliyay lagu xukumay 15-kii Abriil.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya isugu jira ayaa saaka ku toogtay ninkan fagaare ku yaalla duleedka degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen dadweyne iyo saraakiil ciidan.

Dhanka kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Baydhabo ayaa lagu wadaa inay maanta qaaddo dacwooyin kala duwan oo loo haysto eedeysanayaan ku xiran xabsiga magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn, xukunka dilka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo maxkamaddu ay ka fuliso Baydhabo, iyadoo horay maxkamaddu ay xukunno dil toogasho ah uga fulisay Baladweyne iyo Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya