4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Ahlusunna oo albaabada u laabtay idaacada Gal-gaduud iyo NUSOJ oo talaabadaas cambaareysay


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa Cambaareeyay Tallaabadii ay Maanta Ciidamada Ahlusunna ee degmada Guriceel ay xireen Idaacada Galgaduud Xarunteeda Guriceel.

NUSOJ ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo uu wato taliyaha ciidamada Ahlusunna ee degmada Guriceel, Gallad Maxamuud Qeyliye ayaa xoog ku galay dhismaha idaacadda amrayna in la damiyo, iyagoo kala diray shaqaalihii ku sugnaa.

“Ciidamada Ahlusunna ayaa Xoog ku galay idaacadda, waxayna ku amreen in hawada laga saaro,” ayuu yiri agaasimaha guud ee idaacadda Galgaduud, C/fataax Xasan Faarax oo intaa ku daray. “Marnaba kama Gor-gor-tameyno Madax-bannaanideena iyo Hadafkii idaacadda loo furay oo ah inay si dhex-dhexaad ah ugu shaqeyso shacabka Soomaaliyeed.”

Agaasimaha ayaa hadalkiisa ku daray in Idaacadda Radio Muqdisho ay Heshiis kula jireen, ayna Tebin jireen Wararkeeda maalin walba labo saacadood.

Daminta idaacada ayaa timid kaddib markii maamulka Ahlusunna uu Radio Galgaduud dul-dhigay amar, kuwaasoo ay ka mid yihiin; In la joojiyo tebinta dhammaan wararka la xiriira Shirka Dhismaha maamulka gobollada dhexe ee ka socda Cadaado. In la joojiyo dhammaan wararka dowladda Somalia ku saabsan, In la joojiyo sii-tabinta Idaacada dowladda ee Radio Muqdisho wararkoodana la buun-buuniyo.

Sidoo kale, Ururka NUSOJ ayaa cambaareysay talaabadaas lagu xiray idaacada, iyagoo ku tilmaamay mid lagu caburinayo madaxbanaanida warbaahinta, lagu hor-joogsanayo xaqa ay dadku u leeyihiin inay helaan warar madax-banana.

“Waan ka Xunnahay in idaacadda Galgaduud Albaabada loo laabo, ka Urur ahaanna Waan cambaareynaynaa gabood-falkaas ka dhanka ah xorriyadda Warbaahinta madaxa-bannaan, isla markaana loogana gol-leeyahay in lagu horjoogsado xaqa ay Shacabku u leeyihiin inay warar madax-bannaan helaan,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim.

Ugu dambeyn, NUSOJ ayaa soo Dhaweeyay Sii-daynta Agaasime ku Xigeenka Idaacadda Galgaduud, C/qaadir Barre Guure oo xalay ay xabsiga u taxaabeen ciidamadada Ahlusunna Waljaamaca.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya