4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Degmada Laascaanood oo ay maanta ka dhaceen Xuska 18-ka May & Rabshad Xigtay (SAWIRRO)


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Waxaa ka dhacay duhurnimadii maanta Rabshado socday illaa Gellinkii Dambe ee Maanta, iyadoo ay dadi ay ku dhaawacmeen rabshadahan, balse aan dhimasho weli la sheegin.

Rabshadahan ayaa qarxay kaddib markii lasoo gabagabeeyay Munaasabaddii lagu xusayay 18-ka May oo ahayd maalintii ay Somaliland go’aansatay inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day.

Xuska 18-ka May ayaa ahaa mid u dhacday si ka wanaagsan sidii ay sannadihii hore u dhici jirtay; waxaana ka hadlay Wasiirka Nabadda & Horumarinta Gobollada Bari ee Somaliland, Cali San-dulle oo sheegay inuu aad ula yaabay sida sanadkan looga xusay Gobolka Sool 18-ka May oo uu sheegay inay muhiim u tahay Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Sool, Yaasiin Maxamed Shidde ayaa ku celceliyay in magaalada Laascaanood ay tahay amaan, wuxuuna ugu baaqay dadka Qurbaha ku maqan inay yimaadaan, balse aanay ka hadlin warbaahinta oo keliya.

Qaar badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta heer degmo iyo gobol oo halkaas ka hadlay ayaa waxay ku celceliyeen maalintan iyo waxyaabaha looga baahan yahay bulshada reer Laas-caanood.

Dadkii Xuska ka Qayb-galay oo badankoodu sitay Somaliland ayaa waxay kooxo ciyaal u badani ku weerareen dhagax, Taasoo sababtay in Ciidamada booliiska ahi ay kala eryaan; waxayse xaaladdu is-bedeshey duhurnimadii maanta markii ciidanka millateriga Somaliland ay gudaha u soo galeen magaalada, iyagoo wata Gawaarida Gaashaaman.

Rasaas Xooggan oo u Dhexaysay Ciyaal Gubaya Qashin iyo Taayiro ayaan khasaare badan ka dhalan; Waxaana Dad badani is-weydiinayeen Rasaasta Faraha badan ee ka Dhacaysay magaalada Laascaanood iyo saameynta ay leedahay.

Ugu dambeyn, Lama saadaalin karo inay intaas ku ekaan doonaan rabshadaha iyo in kale, mana aha markii ugu horreysay oo rabshado noocan oo kale ah ay degmada Laascaanood ka dhacaan maalintan oo kale; iyadoo ay shacabka Deegaanku Xusaan 18-ka bishan May maalinta Nadaafadda oo Sannadkii 2005-tii uu Asteeyey Duqii Magaalada, Dr. C/rashiid Barkhadle, xiligaas oo maamulka Puntland uu ka arrimiinayay magaalada Laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool