4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Shariif Xasan oo ka Badbaaday Qarax


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta ka Badbaaday isku-day dil, Kaddib markii miino loo geliyay waddada u dhexeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Lafoole oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka madaxweynaha Koonfur-Galbeed, C/qaadir Nadaara oo Warbaahinta la hadlay qaraxa kaddib ayaa sheegay in gaadiidkii uu la socday madaxweynaha waddada loo geliyay miino, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Shariif Xasan maalmahan wuxuu safarro shaqo ku bixinayay deegaannada hoos-yimaada maamulka Koonfur-galbeed ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana lala beegsaday maanta Gaadiidkisii Qarax miino oo waddada hareerteeda lagu sii aasay, mase jirto cid ay waxyeello kasoo gaartay,” ayuu yiri Nadaara.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in miinada oo ahayd mid Xooggan ay Qaraxday kaddib markii gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday ay dhaafeen, isagoo xusay in madaxweynaha iyo wafdiga la socday aysan waxyeello soo gaarin.

Inkastoo uusan cidna ku eedeyn Qaraxan miino, ayuu wuxuu xusay inaysan jirin cid wax ku noqotay, isagoo intaas ku daray in Qaraxa uu ahaa mid Xooggan, Isla markaana aysan jirin gaadiid dadweyne oo xilligaas marayay waddada.

“Madaxweynuhu howshiisa si caadi ah ayuu u wataan, markii uu qaraxu dhacayna waxaa baaritaanno ku sameeyay Qaraxa ciidamadii AMISOM oo la Socday, iyagoo sheegay inay ahayd miino dhulka lagu aasay,” ayuu mar kale yiri C/qaadir Nadaafa.

Dhanka kale, madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan weli ka hadlin weerarka miino ee lala beegsaday gaadiidkii uu la socday, iyadoo ay jirto in ururka Al-shabaab ay horay qarax ula beegsaday madaxtooyada magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ku sugnaa Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarka miino ee maanta lala beegsaday Shariif Xasan iyo Kolonyadii Gaadiidka ahaa ee uu la socday, balse qaraxyada noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya