4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Ururka NAKADSA oo baaq u diray Dowladda Somalia iyo Hay'adaha kale ee Somalia ku Sugan

Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Iyadoo aan ku Guda-jirno Toddobaadka Dabaal-degga 72-Sano-guuradii kasoo Wareergtay Aasaaskii Ururkii Gobonnimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL - 15-kii May 1943-dii iyo Kaalinta dhallinyaradii kale ay naftooda uGu hureen sidii loo hanan lahaa madax-banaannida Soomaaliya, ayuu ururuka NAKADSA oo ay ku mideysan yihiin 5,000 oo dhallinyaro ah wuxuu la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed farxadda iyo hambalyada, isagoo sidoo kale la wadaagaya dhibaatooyinka iyo xaaladaha qallafsan ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Dhallinyarda Somaliyeed waxay 24-kii sano ee aynu soo dhafnay la kulmeen xad-gudubyo baahsan oo loo adeegsaday dagaallada sokeeye iyo fulinta  dano gaar ah oo gurraan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saartay ururka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in munasabadda xuska SYL awgeed ay dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, hay’adaha wadaniga ah, ganacsatada iyo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan Qodobbada soo socda:

1. In loo istaago sidii loo beddeli lahaa wajiga xun ee lala xiriiriyay dhallinyarada, kuwooda wali dhibka ku lugta lehna laga caawiyo sidii ay bulshada dib ugu biiri lahaayeen, iyagoo ka qayb-qaadanaya horumarka. Dhallinyradu waa laf-dhabarka dalka iyo mustqabalka Qaran-nimada, sida daraddeed waa in lagu taageeraa sidii ay kaalintooda u qaadan lahaayeen.

2. In dhallinyarda lagu dhiirri-geliyo waxbarashada, lana furo xarumo wax barasho ama farsamo si ay nolashooda u kasbadaan.

3. In dhallinyarada Soomaaliyeed loo Furo min Tuulo illaa Gobol Xarumo Xirfadaha ay ku bartaan si ay shaqooyin u abuurtaan, ugana qaybqataan badbaadada iyo amniga dalka, isla markaana u kobciyaan dhaqaalaha dalka, loona yareeyo tahriibka.

4. In dowladda Somalia ay dadajiso siyaasadda lagu hagayo dhallinyarada Soomaaliyeed si ay ummadaha caalamka ula jaan-qaadaan.

5. In dhallinyarada wax ku baratay Gudaha Dalka la siiyo tixgelin gaar ah - Xagga shaqada hay’addaha dowladda iyo kuwo aan dowliga ahayn.

6. In dhallinyarada ku jira Xabsiyda loo sameeyo fursado Waxbarasho si ay uga soo baxaan kaalintooda, si ay dalka ugu hoggaamiyaan isbedel wanaagsan.

7. In dowladda ay xakamayso dhibaatada muqaadaraadka lana taageero dadaallada wacyi-galinta ah ee looga so horjeedo Qaadka IWM, kaasoo qayb ka ah dhibaatada ugu weyn ee maanta haysta dhallinyarda Soomaaliyeed, isla markaasna uu Qaadku yahay mid dhiirri-gelinaya ammaan-darrada dalka ka jirta.

Ugu dambeyn, Ururka NAKADSA ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dib u soo nooleeyaan dadaalladii SYL, ayna ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya