4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Madaxweynaha dalka Mareykanka oo booqasho Gaaban ku Tagaya deegaankii uu Abbihii ku dhashay


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo horay loo qorsheynayay inuu booqasho ku yimaado dalka Kenya bisha toddobaad ee Sannadkan ayaa la sheegay inuu safar qaadan doono saddex saacadood uu ku tagi doono tuulada Nyang'oma Kogelo oo ka tirsan is-maamulka Siaya gobalka Nyanza-Kenya, halkaasoo ah goobtii uu ku dhashay Aabbihiis.

Sarah Obama oo Ayeeyo u ah Madaxweynaha Mareykanka ayaa Xaqiijisay inuu Obama ku tegi doono booqasho deegaankaas taasoo qaadan doonta Saddex Saac, isla markaasna uu la kulmi doono xubno ka tirsan eheladiisa.

Barack Obama ayaa dalka Kenya wuxuu uga qeyb-gali doonaa shir sanadeedka isku xirka ganacsiga iyo is-dhex-galka oo sanadkaan 2015-ka, kaasoo ka dhici doona Kenya ayna si wadajir ah u marti-gelin doonaan dowladaha Mareykanka iyo Kenya. Sidoo kalana ay ka qeyb gali doonaan Hogaamiyayaasha Ganacsiga, ururo caalami ah iyo dowlado kala duwan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa markii ugu horreysay Taariikhda Wuxuu Booqasho ku yimid dalka Kenya sanadkii 1988, wuxuuna safar qaatay shan isbuuc uu xiligaas ku tagay deegaanka uu Aabihiis ka soo jeedo ee Kogelo, halkaas oo uu kula kulmay qaar kamid ah qaraabadiisa oo ay ku jiraan Walaalihiis iyo Ayeydiis.

Dhanka kale, Sannadkii 2006-dii, ayaa isagoo ahaa Xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha ama Senate-ka Mareykanka wuxuu mar kale Obama booqday Kenya, isagoo xiligaasna socdaal ku tagay Deegaanno kala duwan oo ka tirsan Kenya oo uu kamid yahay Gobalka Waqooyi Bari.

Bisha July ee sanadkan, ayaa lagu wadaa markii ugu horeysay isagoo Madaxweyne ah inuu Barack Obama safar hal maalin ah uu ku yimaado wadanka Kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya