4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Bannaanbaxyo kasoo Cusboonaday Bujumbura iyo Wasiirro Xilalkii laga Qaaday (SAWIRRO)


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Boqollaal dad ah ayaa maanta dib u billaabay Dibad-baxyo magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi, kaddib af-gambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay Toddobaadkii hore, iyadoo isla maanta saddex wasiir laga eryay shaqooyinkii.

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa maanta Shaqooyinkii ka Eryay Saddex ka mid ah wasiirrada xukuumaddiisa, kuwaasoo kala ah, Wasiiradii Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Ganacsiga, iyadoo shaqo ka eryiddooda la xiriiray Af-gambigii Waddankaas ka dhacay.

Shacabka dibadbaxyada dhigayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay kaga soo horjeedaan in madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza uu mar saddexaad ka qayb-galo doorashada madaxnimo oo dhici doona bisha Juun ee soo socota.

Pierre Nkurunziza oo xilka madaxnimo ee Dalkaas haya muddo 10-sano ah ayaa sheegay in uu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxweynenimo ee Dalkaas, taasoo ay Mucaaradku ku tilmaameen mid jabinaysa dastuurka dalkaas u yaalla.

Hoggaamiyeayasha dibadbaxyada ka socda Burundi ayaa ku dhawaaqay Dibad-baxyo kale oo dheeraad ah oo looga horjeedo madaxweynaha dalkaas, isagoo intaas ku daray in aysan ka baqin hanjabaadaha ka imaanaya xukuumadda iyo ciidamada amniga.

Madaxweynaha Burundi oo Shalay markii ugu Horreysay la hadlay Warbaahinta ayaa ka digay khatar uu sheegay inay Dalkiisa kaga soo Wajahan tahay Al-shabaab, iyadoo ay ka joogaan Burundi Somalia ciidammo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dhere oo hadalka Nkurunziza ka Jawaabayay ayaa sheegay inuu yahay mid uu ku qaldayo indhaha caalamka uu ku doonayo inuu ku qariyo inuu ka sameeyo dalkaas aargudasho, kaddib Af-gambigii dhicisoobay ee la doonayay in xilka looga tuuro.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Burundi ayaa uga digay shacabka dalkaas in ay sameeyaan bannaanbaxyo ay uga soo horjeedaan madaxweynaha, isagoo yiri. “Aad ayay u adag tahay inaan kala saarno dibadbaxayaasha iyo Al-shabaab.”

Wararka laga helayo xaafadda Cibitoke oo Bujumbura ka tirsan in Ciidamadu ay ku Fureen rasaas dad doonayay inay dibadbax dhigaan aroornimadii hore ee saaka oo Isniin ah. Sidoo kalena xaafadda Nyakabiga oo ay ka dhaceen bannaanbixii ugu weynaa ayaa laga maqlayaa rasaas xooggan, waxaana ciidamadu ay rasaas ku fureen dad ku Dibad-baxayay xaafado oo Bujumbura ka tirsan, inkastoo aan lasoo sheegin khasaare ka dhashay.

Dhanka kale, deegaanka Musaga oo ka baxsan Bujumbura ayaa la sheegay inay ka dhaceen mudaaharaadyo, iyadoo dadweynuhu ay taayarro ku gubeen waddooyinka hor-mara saldhig ciidan oo deegaankaas ku yaalla.

Jen. Prime Niyongabo oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada Burundi ayaa sheegay in khatar dhanka amniga ah ay dalkooda soo wajahday, isagoo xusay in la xiray 11-sarkaal oo ka tirsan ciidamada dalkaas, kuwaasoo lagu eedeeyay inay doonayeen inay xilka afgambi uga tuuraan madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Ugu dambeyn, xukuumadda Burundi ayaa xir-xirtay 60-askari oo ciidamada xoogga dalkaas ka tirsan, kuwaasoo Qayb ka ah illaa 400 oo askari oo la rumeysan yahay in ay Taageereen saraakiishii isku-dayga afgambi ka sameeyay dalkaas Arbacadii lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya