4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Mas'uuliyiinta Gobolka & xildhibaano kormeeray Garoonka Kubadda Cagta Beledweyne (SAWIRO)


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ee heer gobol iyo degmo oo ay wehliyaan xildhibaanno ayaa maanta kormeeray dhismaha garoonka kubadda cagta Beledweyne.

Xildhibaan Daahir Xasan Cabdi oo ka mid ahaa kormeerayaasha ayaa sheegay in dhismaha noocan ah uu muujinayo hormarka uu waqtigan gobolka ku tallaabsanayo, isagoo bogaadin u jeediyay shaqaalaha ku howlan dhismaha Garoonka.

“Anniga maanta micno gaar ah ayeey ii sameyneysaa booqashadan, waayo waxaa  ii muuqanaya hormar dhinacyo badan oo  gobolka ka soconaya, sidaa daraadeed waxaan leeyahay cid kasta oo isku howshay arrintan waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Xasan.

Mudane Nuur Iidoow Beyle ayaa isna sheegay uu rumeysan yahay marka la dhameystiro dhismaha garoonka uu gacan weyn ka geysan doono is dhax-galka bulshada iyo adkeynta nabad-galyda, madaama garoomadu yihiin goobaha ugu badan ay dadku ku kulmaan gaar ahaan dhalinyarrada.

 Ugu danbeyntii ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan Sh. Xuseen Cismaan Cali ayaa uga mahad-celiyay xildhibaannada kormeerkooda, isagoo sheegay in ka maamul ahaan sii wadi doonaan mashaariicda hormarineed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya