4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
AFHAYEENKA SHABAAB: Hadalkii Nkurunziza Waa mid uu doonayo inuu Caalamka ku Qaldo


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab ayaa ka Hadlay Xaaladda Burundi iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jiray Dalkaas dhowrkii Toddobaad ee u dambeeyay iyo hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Burundi oo sheegay inay ka baqdin qabaan weerarro ay Al-shabaab kusoo qaaddo dalkooda.

Waddanka Burundi ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Somalia, iyadoo kumanaan askari ay ka joogaan, iyagoo ka qayb-qaadanaya dagaallada lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay Somalia kaga sugan tahay.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Dheere) ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay af-gambigii dhicisoobay ee ka dhacay Burundi, isagoo ku tilmaamay hadalka Pierre Nkurunziza inuu yahay mid lagu dajinayo dadaweynaha kawada dalkaas mudaaharaadyada.

“Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Burundi waa isku-day lagu doonayo in lagu dajiyo Shacabka kacdoonsan ee isugu soo baxay Waddooyinka Bujumbura iyo in looga leexiyo indhaha caalamka falal aargoosiga ah oo ay xukuumaddu ay qorsheyneyso inay dalkaas ka fuliso,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, Sh. Cali Dheere ayaa ku tilmaamay hadalka Nkurunziza ee ahaa weerar ay Al-shabaab ka geysato dalkiisa mid uu shacabka dalkiisa ku beer laxawsanayo, balse marna ma soo hadal qaadin inay qorsheyaan inay dalkaas weeraraan iyo in kale.

Madaxweynaha dalka Burundi ayaa toddobaadkii hore ka badbaaday isku-day Af-gambi oo dhicisoobay kaasoo la doonayay in xukunka looga tuuro, isagoo shir jaraa'id oo uu shalay Warbaahinta ugu qabtay Bujumbura ku sheegay in inuu ka digayo halista Al-shabaab iyo saameynta ay ku yeelan karaan rabshadaha dalkiisa ka socda.

Bannaanbaxyada ka socda caasimadda Burundi ee Bujumbura ayaa billowday Bishii lasoo dhaafay ee Abriil, kaddib markii madaxweyne Nkurunziza uu sheegay inuu mar saddexaad ka qaybgalayo doorashooyinka madaxnimo ee dalkaas.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ku Goodisay inay Weerarro ka geysan doonto dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo ay Burundi ku jirto, iyadoo dhowr jeer weerarro is-xiga ka geysatay dalka Kenya oo ay Somalia ciidammo ka joogaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya