4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo Maanta la kulmay Hormuudyada Jaamacadaha Qaarkood


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay hormuudyada Jamaacadaha Dalka, gaar ahaan kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo ku boorriyay inay fikirkooda ku daraan arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo kobcinta dhaqalaaha dalka.

Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay madaxda Jaamacadaha Hawsha Ballaaran ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga warbixiyay xaaladda dalku uu marayo iyo sidii talooyin loogu biirin lahaa horumarintiisa.

Hormuudyada Jamacadaha oo kulanka ka hadlay iyagana jeediyay tallooyin ku aaddan soo jeedinta madaxweyaha, iyagoo uga mahadceliyay sida uu talladda dalka uga qayb-gelinayo aqoon-yahannada iyo bulshadda, iyagoo sheegay in kulankan uu yahay kii ugu horreeyey ee uu madaxweynuhu la qaato hormuudyada Jmaacadaha dalka qaarkood.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ka codsaday jamaacaduhu inay sameeyaan qayb tababarka mihnadaha, si loosoo saaro xirfadley dib u dhiska dalka ka qayb-qaata iyadoo ay arrinkaasi ka aqbaleen hormuudyada Jaamacadaha ee uu kulanka la qaatay.

Madaxweynaha ayaa xusay inay muhiim tahay in qof walba oo Somali ah uu Waxbarasho wanaagsan helo, dowladuna ay ka shaqeyn doonto in la helo siyaasad qeexan oo ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa ballan-qaaday in la joogteeyn doono lana ballaarin doono kulamada madaxweynaha iyo hormuudyadda Jamaacadaha dalka oo dhan.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya