4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Magaalada Muqdisho oo Maanta laga soo Dajiyay Soomaalidii ugu Horeeyay oo laga keenay Yemen


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Maanta 3:00 Galabnimo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kasoo degatay diyaarad sidday 147-qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed iyo dad u dhashay Yemen isugu jiray, kuwaasoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo dalka Yemen laga keeno lagana soo dajiyo Muqdisho.

Dadkan ayaa u badnaa Haween iyo Carruur, Waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Xubno ka tirsan Dowladda Somalia, hay’adaha gargaarka iyo hay'adda IOM, iyadoo loo diyaariyay dadkan cunto iyo dawooyin la siiyay markii ay diyaaradda laga soo dajiyay.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka mid ahaa Mas'uuliyiintii soo dhaweeyay Dadkan ayaa u sheegay warbaahinta in dadkan ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo Muqdisho, isagoo sheegay inay ku jiraan 27-qof oo u dhashay dalka Yemen.

“Waxa maanta Muqdisho la keenay Dadkii ugu Horreeyay oo Yemen laga keeno oo ay ku jiraan 27-qof oo Yemeniyiin ah, kuwaasoo kasoo cararay colaadda dalka Yemen ka socota, Mahad ayaana u celinayaa cid walba oo gacan ka geysatay in dadkaan la keeno Muqdisho,” ayuu yiri C/rashiid Xiddig.

Dadkan oo isugu jiray Haween, Carruur, Waayeel iyo Dhallinyaro ayaa waxaa qaar ka mid ah looga soo dajiyay diyaaradda gaadiidka ay ku socdaan dadka cuyaanka ah, kuwaasoo la sheegay inay xanuunsan yihiin.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ay xanuunsan yihiin, Kaddib markii ay Baaritaanno ku sameeyeen Dhakhaatiir ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Odawaa oo isaguna la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkan laga keenay Yemen dib u dajin ay u sameyn doono dowladda Somalia, isla markaana lala socon doono xaalkooda.

Dadka maanta la keenay Muqdisho ayaa Qaarkood Warbaahinta la hadlay iyagoo sheegay in xaalad nololeed oo aad u ba’an ay ka jirto magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen oo ay diyaaraddu kasoo qaadday, iyagoo xusay inay maalintii oo dhan hal jeer wax cuni jireen.

Tallaabadan ayaa waxay qayb ka tahay qorshe ay dowladda Somalia sheegtay inay dib ugu soo celinayso dalka Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran Yemen oo ayna Dhibaato Fara badan iyo dagaallo ka jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya