4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Booliiska Somalia oo laga mamnuucay in Qaadka ay Cunaan inta ay Shaqeynayaan (SAWIRRO)


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Ciidamada Booliiska Somalia ayaa laga mamnuucay in ay Qaadka Cunaan inta ay shaqada ku jiraan, iyadoo hadalkan uu sheegay Taliyaha cusub ee Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo kormeerro ku tagay maanta xarumaha Booliiska ee Gobolka Banaadir.

Jen. Xaamud ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ahaa xarunta gaadiidka boliiska, xarunta taraafikada, akadeemiyada Jen. Kaahiye iyo Saldhigga Booliiska Degmada Xamar-weyne, waxaana ujeeddada kormeerkiisa uu ku shegay dhirri-gelinta ciidamada booliiska.

Taliyaha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, iyagoo eegay sida ay shaqada u socoto iyo buugaagta lagu qoro dambiyada maxaabiista, iyadoo taliyaha uu ballan-qaaday in saldhigga loo keeno agabka ay u baahan yahay oo shaqada lagu xoojinayo, isla markaana si toos ah shacabka ugu shaqeynayo.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Xamar-weyne iyo taliyaha saldhigga booliiska degmadaas ayaa faahfaahin ka siiyay howlaha saldhiga iyo sida bulshada ay isugu xiran yihiin taliyaha iyo xeer-ilaaliyaha.

Intaa kaddib Jen. Xaamud ayaa ka hadlay muhiimada ay booliiska u leeyihiin inay gutaan shaqooyinka looga baahan yahay, wuxuuna amar ku bixiyay in booliiska inta ay ku guda-jiraan shaqooyinkooda aysan cuni karin Qaadka, ciddii lagu helana ay wajihi doonto ciqaab adag. Askarta ayuu ugu baaqay inay u naxaan shacabka inta ay shaqooyinka ku jiraan, isla markaana ay gudbiyaan waayeelka ah iyo ardayda.

“Waxaan Qorsheynay annagoo ka duulayna dib u dhiska ciidanka booliiska Somalia inaan qaadano arday ka baxday Dugsiyo sare oo loo dirayo Koorso kuwaasoo soo noqonaya saraakiil, codsiyadoodana keensanaya,” ayuu yiri taliyaha booliiska oo ka hadlayay kulanka.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa ammaanay sida uu u shaqeeyo saldhiga booliiska degmada Xamar-weyne oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah ay ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo dhameytirayaan waxyaabaha muhiimka u ah howsha saldhigga.

“Degmadan waa degmo qadiim ah oo dhaxal noo ah; iyadoo dhismaha caasimadda uu ka billowday, waxaan ku baaqayaa inaan la burburin lagana dhaafo burburinta; taa badalkeeda la dayactiro. Waxaan aad ugu naxay oo aan ka xumaaday sida uu u burburay masaajidkii Arbaca-Rukun,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, kormeerka taliyaha booliiska Soomaaliya uu ku tagay xarumaha ciidamada Boliiska Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa dhiirri-gelin u ah ciidamada, taasoo ay soo dhaweeyeen ciidamada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya