4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
MADAXWEYNE SIILAANYO: Ragga hungurigu uu ka hayo Somaliland Waxaan leeyahay…


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Waxaa Gobollada iyo Degmooyinka Saakay Waaberigii looga dareeray xuska munaasibadda 18-ka May oo ku beegan maalintii Somaliland ka go’day soomaaliya inteedda kale, isla markaana ay ka noqotay midnimaddii ay lixdankii la gashay Soomaaliya.

Sanad-guuradii 24-aad ee kasoo wareegtay 18-ka May, 1991 oo ah maalintii shirweynihii la iskugu yimid magaalada Burco lagaga dhowaaqay inay Somaliland gaar isku maamusho, isla markaana noqoto qaran ka madax banaan Soomaaliya, haseyeeshee illaa hadda ma noqon dal la aqoonsaday, balse waxay wali caalamka ka sugayaan in la aqoonsan doono.

Magaladda Hargeysa ayaa munaasibaddii ugu balaadhnayd lagu qabtay, waxaana gaaddo ka ciyaar ku marayey jidka madaxtooyadda hor mara, ciidamada kala duwan oo iskugu jira, Ciidanka Booliska, Militariga, Badda iyo laanta socdaalka, sidoo kale, waxa ku wehelinayey ardayda jaamacadaha, degmooyinka magaaladda ka kooban tahay iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo oo ay garab taagnaayeen taliyeyaasha ciidamadda iyo shirgudoonka goleyaasha Qaranka ayaa daawanayey dhoolatuska shacabka iyo Ciidanka kala duwan ku soo bandhigayaan hortoodda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbadiisa ku soo qaatay qodobadda kala duwan oo ay mid yihiin muddo kordhinta, faro gelinta ay ku eedeeyeen beesha caalamka iyo wada hadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeyey.

Madaxweynaha Siilaanyo oo ka hadlaya sida u arko mudo kordhinta iyo diidmada xisbiyada mucaaradku wuxuu yiri. “Waxaan xoog badan saaray in doorashooyinku ku dhacaan xilligii loo asteeyay, mana jiro waxaanu hagranay aniga iyo Maamulkaygu toona. Kuma faraxsani in doorashadu dib u dhacdo, mana jecli hore iyo hadda toona turun turooyinka ku yimaada hanaanka dimuqraadiyadda”.

Waxaanu intaas ku daray. “Waxaase dhici kara in marka aad hawl adag ku jirto ay soo baxaan duruufo wax ka bedeli kara hawshii aad qoondaysatay.arrimaha doorashooyinku waa masuuliyad wadareed oo ay wadaagaan dhinacyo badan, canaanta dib u dhacu waa mid la wada-leeyahay, waxaynu nahay qaran leh Shuruuc, haddaba marka xaaladdan oo kale timaado Distoorka qaranka ayaa hagaya jidka loo marayo, Komishanka doorashadu wuxuu ii soo gudbiyay Go’aan ah inaan doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi karrin, aniguna waxaan u gudbiyay Golaha guurtida oo leh Awooda qiimaynta xaaladdahaas, mana jirto wax faro galin ah oo aan ku lahaa go’aanka ka soo baxay guurtida” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland”.

“Ragga uu hungurigu ka hayo dalkan, waxaan leeyahay waar damaciinna ku dara tudhaale iyo lexejeclo oo waa la doogiye yaan la dacaroon” ayuu yidhi Siilaanyo oo la hadlayey xisbiyadda mucaaradka ah.

Madaxeyne Siilaanyo fariin u diray wakiiladda beesha caalamka oo u sheegay inay qaar ka mid ah welwel ka qaban khilaafyadda ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka, waxaanu sheegay in khilaafyadda soo mara Somaliland dhexdoodda xalistaan, isla markaana aanay u baahnayn farogalin caalami ah.

Geesta kale waxa u sheegay in beesha caalamka qaarkood ku soo deg degayaa khilaafka hoose ee u dhexeeya xisbiyadda, halka buu yidhi ahayd inay arrimaha masiiriga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya soo dhexgalaan ay ka war wareegayaan.

“Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka waxaa ka muuqda inuu gaadhay warar xaqiiqda ka fog, kaas oo keenay inay walwal ka muujiyaan dib u dhaca yimid, Saaxiibadayo waxaan xasuusinayaa inaanu nahay qaran waayo aragnimo weyn u leh xakamaynta iyo xal u helista khilaafyada Siyaasiga ah”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo oo xasusinaya in soo dhexgal uga baahan yihiin Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya isku hayaan, waxa uu yidhi “Waxaa xusid mudan inaanu beesha caalamka ka codsanay inay na dhexdhexaadiyaan anaga iyo walaalahayo Somalia, hase ahaatee wali wax jawaab ah oo wax ku ool ah kamaanu helin, haddaba waxaa isku kaayo qaban la sida dawladdaha qaar ugu degdegayaan arrimaha gudahayaga ah ee aanu ku filannahay iyo sida ay uga warwareegayaan ee ay isku diidsiinayaan  dhexdhexaadinta ismari waaga ka dhex aloosan Somaliland iyo Somalia”

Sidoo kale, khudbadda madaxweynuhu wuxu ku soo qaatay ciidanka ay samaysanayso Soomaaliya ee beesha caalamkuna ku taagerayso, taas oo uu sheegay inay amni daro ka abuuri doonto geeska afrika, waxaanu yidhi “Si mandaqada geeska Africa u noqoto midi xassilloon oo shucuubteedu nabad kuwada noolaadaan, waxaa Xukumadda ka go’an inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay wadamada jaarka ah.waxaanu ognahay in maalmahan la wado hindise Ciidamo loogu dhisayo Somalia, kaas oo dalal caalamka ka tirsani ku garab siinayaan, Madaxda Somalia ayaa iyaguna ku celcelinaya in Ciidamadu soo celinayaan midnimadii Burburtay ee Somalia, haddaba waxaan ka digayaa in arrintani hurin karto colaado hor leh iyo xassillooni darro ku soo korodha geeska Africa, sidaas darteed waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa in si qoto dheer looga fiirsado dhisidda ciidankaas iyo hubka lagu soo daldalayo Somalia, iyadoo aan Somaliland laga qaadin cuno qabatayntii la saaray wixii la isku odhan jiray Somalia republic”.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Somaliland ayaa si weyn u xusay munaasibadda 18 May, iyadoo ilaa xalay aad arkaysay gaadiid lagu sharaxay calanka Somaliland ee saddedda midab leh, kuwaas oo ay saarayeen heeso wadaniya oo dadka lagu baraarujinayey, waxaana xalay dhamaan goobaha ganacsiga iyo xafiisyadda dawladda lagu shaqlay laydhadh muuqaalkooddii u bedelay kuwo qurux leh, isla markaana aad arkaysay dadweynihii oo xalay isku sawirayey goobahaasi aadka loo qurxiyey.

Sidoo kale, markii ay munaasibaddii 18 may ee ciidanku marayey dhamaaday wax hal mar isla oogsaday hoonka gaadiidka, kuwaas oo iyagoo xawaare sare ku socda wadooyinka mareyey, isla markaana dadka iyo gaadiidkaba lagu xardhay calanka Somaliland, waxaana caado u ah maalintan oo kale in illaa heebeenkii lagu caweeyo showyadda ay fanaaniintu dhigayaa, kuwaas oo sanad walba dibadda uga yimaaadaan fanaaniin faro badan si ay uga faa’iidaystaan, iyadoo inta badan aanay dhalinyaraddu kala seexan, isla markaana ay ka xamaasad badan tahay Ciidamaha caadiga ah islaamanka, maadaama oo maalintan oo kale dadku isku wada dhar yihiin, iyadoo maanta oo kale gaadhiga laga waayo astaamaha Somalilanad lagu qaylinayo.

Dhinaca kale, gudoomiyeyaasha xisbiyada Qaranka ayaa gobollada kala duwan kula dabaal-degayey shacabka, gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro uu isna kula dabaal-dagayay Dadweynaha Reer Boorama, halka Faysal Cali Waraabe ku Xusayey Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland