DAAWO: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo
Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Wafdiga ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.
Kadib salaan iyo soo dhaweyn, waxaa wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweeynaha Jubbaland Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).
Masuuliyiintan oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada imaatianka wafdigan ay ugu muhiimsantahay mideynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamadii qaranka Soomaaliyeed (SNA).
DAAWO: Shirka Jaraa'id ee Wasiirka Difaaca iyo Madaxweynaha Jubbaland;
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Ahlusunna oo albaabada u laabtay idaacada Gal-gaduud iyo NUSOJ oo talaabadaas cambaareysay
- Degmada Laascaanood oo ay maanta ka dhaceen Xuska 18-ka May & Rabshad Xigtay (SAWIRRO)
- Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Shariif Xasan oo ka Badbaaday Qarax
- Ururka NAKADSA oo baaq u diray Dowladda Somalia iyo Hay'adaha kale ee Somalia ku Sugan
- Madaxweynaha dalka Mareykanka oo booqasho Gaaban ku Tagaya deegaankii uu Abbihii ku dhashay
- Bannaanbaxyo kasoo Cusboonaday Bujumbura iyo Wasiirro Xilalkii laga Qaaday (SAWIRRO)
- Mas'uuliyiinta Gobolka & xildhibaano kormeeray Garoonka Kubadda Cagta Beledweyne (SAWIRO)
- AFHAYEENKA SHABAAB: Hadalkii Nkurunziza Waa mid uu doonayo inuu Caalamka ku Qaldo
- SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo Maanta la kulmay Hormuudyada Jaamacadaha Qaarkood
- Magaalada Muqdisho oo Maanta laga soo Dajiyay Soomaalidii ugu Horeeyay oo laga keenay Yemen
- Booliiska Somalia oo laga mamnuucay in Qaadka ay Cunaan inta ay Shaqeynayaan (SAWIRRO)
- MADAXWEYNE SIILAANYO: Ragga hungurigu uu ka hayo Somaliland Waxaan leeyahay…
- Diyaarad Qoxooti Soomaaliyeed kasoo Qaadaysa dalka Yemen oo Kusoo Wajahan Muqdisho
- Deegaanno ka Tirsan Gobolka Sool oo Maanta Siyaabo kala Duwan looga Xusayo Maalinta 18-ka May