4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Diyaarad Qoxooti Soomaaliyeed kasoo Qaadaysa dalka Yemen oo Kusoo Wajahan Muqdisho


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho soo Cago-dhigato Diyaarad Sida 95 Ruux oo ka mid ah Soomaalida ku xaryian ee ku xayiran dalka Yemen, halkaasoo ay colaado ka taaga yihiin.

Diyaaraddan soo qaadista dadkan ay iska kaashadeen Dowaladda Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Waana markii ugu horreysay oo qoxooti laga keenayo dalka Yemen ay soo gaaraan Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga Qaranka Soomaaliya, Axmed Daahir ayaa ugu sheegay Warbaahinta Muqdisho in Dadkaan maanta laga soo Dejinayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Yemen ayaa waxaa ka socda dagaallo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo ay ku xayiran yihiin dalkaas qoxooti fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo qaarkood gaaray halkaas 1991-kii markii Soomaaliya ay ka dilaaceen dagaallada sokeeye.

Sidoo kale, waxaa dalkaas ka yimid qoxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ku sugan Puntland iyo Somaliland, waxaana qaarkood laga soo ambixiyay shalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wixii kusoo kordha warkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya