4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2015
Deegaanno ka Tirsan Gobolka Sool oo Maanta Siyaabo kala Duwan looga Xusayo Maalinta 18-ka May


Isniin, May 18, 2015 (HOL) — Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland sheegtay inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale ayaa saaka loo qoondeeyay inay ka dhacdo xarunta gobolka Soo loo maalmihii lasoo dhaafay la diyaarinayay.

Ciidammo xoog leh oo isugu jira booliis iyo millateri ayaa tuban waddooyinka magaaladda, waxayna adkeynayaan ammaanka, wallow aanay weli dhicin wax rabshad ah, sidii dhici jirtay sannadihii hore.

Dadweynaha magaaladda Laascaanood waxay intooda badani wataan hawlohoodii caadiga ahaa, iyadoo suuqu aanu iska bedelin muuqaalkiisii hadddana shacabka waxaa u taagan dhegaha oo waxay ka baqayaan kooxo dhallinyarada ka mid ah oo maanta oo kale magaalada lasoo gala agabka nadaafadda, ciidamaduna aanay arki karin.

Ardayda dugsiyada ayaa u muuqda kuwo aan la fasixin intooda badan waxayna ku sii qulqulayaan iskuullada, macallin ay HOL weydiisay waxay u fasixi waayeen ardayda ayaa yiri.”Waxaan u baqnay naftooda oo iskoolkaan ku illaalinaynaa.”

Sidoo kale, deegaano ay ka mid yihiin Buuhoodle ioy Saax-dheer oo saldhig u ah maamulka Khaatumo ayaa laga xusayaa maalinta nadaafadda sida uu u xaqiijiyay HOL Wasiirka Warfaafinta Khaatumo, Axmed Gacma-yare, isagoo xusay inay xitaa Laascaanood ka qabanayaan.

Lama oga halka ay ku dambayn doonaan saadaasha nabadgelyo ee xusaska is-dhinac socda ee isku lidka ah; waxaase dadka badankoodu ay sheegayaan inay magaaladda Laascaanood amaan ku jirto.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool