4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2015
SAWIRRO: Guddiga isku-dhafka ciidamada oo Maanta tababar loogu soo Xiray Muqdisho


Axad, May 17, 2015 (HOL) — Guddiga isku-dhafka ciidamada Somalia ayaa maanta loogu soo xiray Muqdisho tababar soconayay muddo shan cisho ah, kaasoo ku saabsanaa qaabka ugu habboon ee looga qayb-qaadan karo isku-dhafka ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, taliyaha ciidamadda xoogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xubnaha guddiga isku-dhafka ciidmaada oo goobta ka hadlay ayaa ballan-qaaday in ay fulin doonaan talada ay siiyeen hoggaanka sare ee dowladda Soomaaliya ee ahayd in Dalka laga hirgeliyo Ciidammo Qaran oo isku-dhaf ah, kuwaasoo oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Jen. Daahir Indha-qarshe oo ka hadlay xafladda ayaa xusay in guddigan uu bilow u yahay Soomaaliya inay yeelato Ciidammo Qaran oo xooggan, isla markaana matala Soomaalida oo dhan, kaasoo hirgelintiisa loo xil-saaray guddiga isku dhafka. Isagoo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay muhim tahay in laga dhaadhiciyo ujeeddada laga leeyahay isku-dhafka ciidamada si faham guud oo howshan caawin kara ay shacabka iyo maamullada gobolladu u helaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia ayaa isna ku booriyay xubnaha guddiga inay si deg-deg ah uga howlgalaan isku-dhafka ciidamada dalka, isagoo xusay inay qori doonto taariikhda qof walba oo Somali ah ee gacan ka gaysta dhismaha ciidamo oo hal-bowle u ah dhismaha Qaran Soomaaliyeed oo lagu wada kalsoon yahay.

"Annaga oo fahamsan masuuliyadda naga saaran dhismaha ciidamadeenna, waxaa si gaar ah Wakiil uga tihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed in la helo Ciidammo Qaran oo dheelli-tiran. Maanta Waxaan Aasaaska u dhigaynaa dhismaha mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan dowladnimada Somalia, taasina waa in la helo ciidammo leh aqoon iyo karti, kana fog wax walba oo Qaranka danihiisa aan saacidayn," ayuu yiri Jen. C/qaadir Diini.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay gacan ka Geystaan dhismaha Ciidamo Qaran, si looga gudbo Caqabadaha laga dhaxlay fowdada iyo dowlad la'aanta soo jirtay muddada rubac Qarniga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya