4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2015
Xildhibaanada Gobolka Waqooyi-bari Kenya oo sheegay in Mooshin ay ka keenayaan J. Nkaissery


Axad, May 17, 2015 (HOL) — Xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa sheegay inay mooshin ka diyaarin doonaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Ole Nkaissery, iyagoo sabab uga dhigay mooshinkooda bandowga dheeraadka ah ee uu saaray gobolka.

Mudanayaashan ayaa sheegeen in badowga uu xadgudub ku yahay xuquuqda ay leeyihiin shacabka gobolkaas ku nool ee uu qeexayo dastuurka Kenya, iyagoo ku sheegay hadal ay warbaahinta siiyeen in mooshinkooda ay baarlamaanka Kenya horgeyn doonaan marka ay kulammadiisu furmaan bisha Juun ee soo socota.

Sidoo kale, Waxay sheegeen in Bandowgan uu yahay mid lagu ciqaabayo shacabka ku nool gobolka Waqooyi-bari-Kenya, isla markaana hadalkiisa ah in arrimo amni ay u kordhiyeen bandowga uu yahay mid marin-habaabin ku ah qorshaha dowaldda ee amniga Gobolkaas.

Hadalkan ay Xildhibaannadu ka Sheegeen Xaflad qalin-jabin ahayd oo Shalay lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Islaamiga ah ee Najan, iyagoo intaas ku daray in badowga lagu soo rogay Mandheera, Gaarisa, Wajeer iyo Tana River uu yahay mid dastuurka Kenya ka baxsan, isla markaana caqabad ku ah xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo cibaabada.

Xildhibaannadan ayaa ka carooday hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya ee ahaa in la kordhiyay bandowgii saarnaa magaalooyinkaas, kaasoo socon doona sida uu sheegay illaa 16-ka bisha Juun ee soo socota.

“Mooshinkeenna ka dhanka ah Nkaissery waxaan horgeyn doonnaa Baarlamaanka marka ay kulammadiisu dib u furmaan si looga hadlo,” ayay tiri Shukran Guure oo Gaarisa laga soo doorto. Iyadoo intaas ku dartay. “Shacabka ku nool deegaannadaas waxaa loo diiday xuquuqdoodii dastuuriga ahaa ee ay ku aadi lahaayeen xilliyada habeenkii ah iyo salaadda subax.”

Waxay Xildhibaannadu intaa raacisay. “Waxaa kaloo shaacbka loo diiday inay ganacsadaan xilliga habeenkii ah… inay isku yimaadaan si ay Horumarkooda uga Hadlaan, mana Aqbali karno in xuquuqda shacabkeenna ay ku xadgudubto xukuumadooda.”

“Markii baarlamaanka Kenya uu isku soo laabto 08-da Juun, Mooshinka ayaan Horgeyn-aynaa, waxaana kaga hadli doonnaa bandowga sharci-darrada ah ee uu wasiirku mar kale kusoo rogay shacabka Gobolkaas ku nool, Waayo Shacabkaas Xuquuqdii ayaa laga Hor-joogsaday,” ayay mar kale ku doodday Shukran Guure.

Dhanka kale, waxay sheegtay inay diyaar u yihiin inay dowladda ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada, laakiin shacabka ku nool gobolka Waqooyi-bari Kenya waa inay helaan xuquuqdooda aasaasiga ah, sida shacabka kale ee Kenya ku nool.

Xildhibaan Maxamed Shidiye oo laga soo doorto deegaanka Lagdheere ayaa isna ciidamada millateriga Kenya ku eedeeyay inay dhibaatooyin aan kala sooc lahayn u geystaan shacabka ku nool magaalooyinka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Shidiye ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay kordhiso joogitaankeeda gudaha Somalia si ay uga caawiso dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo uu sheegay in ay tahay koox argagaxiso ah oo dhibaaato ku haysa gobolka oo dhan.

Waxaa kaloo isna goobta ka hadlay Xildhibaan Maxamed Daahiye ayaa Wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, si ammaanka guud ee Kenya loo adkeeyo, shacabkana loo ogolaado xuquuqaadkooda aasaasiga ah.

Ugu dambeyn, kulanka ay xildhibaanadu kaga dhawaaqeen Mooshinka ay ka diyaarinayaan wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha magaalada Gaarisa, Nadiif Jaamac, sii-hayaha taliska booliiska, James Kianda iyo tiro ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya