4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2015
ODAWAA: Wajigii labaad ee Shirka Cadaado Wuu Furmay Waxaana Xallinaynaa Cabashooyin Jira


Axad, May 17, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay maanta in wajigii labaad ee shirka uu ka furmay Cadaado ayna dadaal ugu jiraan sidii loo xallin lahaa cabashooyinka la qabo ee ku aaddan dhismaha maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Odayaa ayaa sheegay in la xareeyay ergada sideed beelood oo ka mid ah 11-ka beelood oo dega Gobollada Mudug iyo Galgaduud, beelaha dhimanna ay la fureen wadahadallo si ay shirka qaybtiisa labaad uga Qayb-galaan.

“Wejiga labaad ee Shirka Cadaado wuu furmay… xubnaha Cabanayana sidii aanu u xallin lahayn cabashadooda ayaan ku howllannahay,” ayuu yiri Odowaa oo intaas ku daray inay jiraan dhibaatooyin noocan oo kale ah mar walba oo Maamul goboleed la dhisayo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in labadii Arrimood ee ay u tageen Cadaado ay kala yihiin; inay la kulmaan Wax-garadka cabanaya, taasoo uu sheegay inay inta badan Dhammaantay ayna is-arkeen waxgaradkii cabanayay, tan labaadna ay ahayd inay furaan wajigaan labaad ee shirka.

Isagoo sii hadlayay ayuu wasiirku wuxuu sheegay inay saxeen khaladaadyo ka jiray qaabka Odayaasha Dhaqanka uga Qayb-galayaan Shirka magaalada Cadaado, isagoo beeniyay inay dowladdu fara-gelin ku hayso shirka iyo habsami u socodkiisa.

“Qof bannaanka ka jooga Shirka inuu Qayliyo ma ahan wax cusub, isagoo diiddan Oday ay isku beel kasoo jeedaan oo la xareeyay,” ayuu Wasiir Odowaa yiri, isagoo Xusay in Shirku uu ku socdo sidii loogu talo-galay.

Ugu dambeyn, Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dhawaanahan ku sugnaa magaalada Cadaado, Inkastoo ay Jiraan Cabashooyin ku Aaddan in ay Fara-gelin ku hayso Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo uu Wasiirku beeniyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya