4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2015
Wasiirka Amniga & Duqa Muqdisho oo ka qayb-galay BARNAAMIJKA is-dhax-galka Bulshada (SAWIRRO)


Axad, May 17, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xalay kaga Qayb-galay Degmada Kaaraan Barnaamijka is-dhexgalka bulshada, kaalinta bulshada uga aaddan ka qayb-qaadashada Horumarka degmada iyo sidii shacabka loogu baraarujin lahaa sidii shacabku ay u bixin lahaayeen Canshuuraha.

Barnaamijkan ayaa waxaa kaloo ka mid ah sidii ay shacabku uga Qayb-qaadan Amniga iyo nadaafadda, waxaana munaasabadda ka Qayb-galay Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, iyadoo intii ay munaasabadu socotay lagu soo bandhigay goobta suugaan ka hadlaysa bixinta canshuuraha iyo ka qayb-qaadashada is-dhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow ayaa ku dheeraaday ka hadlida Barnaamijka is-dhexgalka maamulka degmada iyo shacabka, kaasoo qayb muhiim ah ka ah howlaha laga waday degmada labadii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Yalaxoow wuxuu ka hadlay sida bulshada iyo degmada maamulkeeda u wada-shaqeyn karaan loona xaqiijin karo Ammaanka, Canshuuraha iyo Nadaafadda. Wuxuuuna madaxda dowladda Somalia ka codsaday inay in dhibane Xaashi Cumar oo ku xiran dalka Talyaaniga muddo 18-sano ah ay gacan uga geysan lahaayeen sidii loo sii deyn lahaa.

“Waxaa jira dhibane reer Kaaraan ah oo ku xiran dalka Talyaaniga muddo 18-sano ah oo la yiraahdo Xaashi Cumar, kuna dhibaateysan xabsiga, waxaan leenahay madaxda Soomaaliya inay arrintaas wax ka qabtaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Kaaraan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo isna Goobta Hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid mid yihiin Ammaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafadda, Bixinta Canshuuraha, Dhismaha Waddooyinka iyo Cilad-bixinta Nalalka Cad-ceedda ku shaqeya, wuxuuna maamulka iyo shacabka Degmada Kaaraan ku Ammaanay sida ay ugu is-taageen ka qaybqaadasha horumarinta dalka.

“Muqdisho waa amni, waxaa ka jira nabadgelyo la isku haleyn karo, waxaana daliil cad u ah caawa 11:30 habeenimo inay xaflad ka dhacayso degmada oo bulshadii iyo madaxdii Qaranka ay kasoo qaybgaleen. Ciidamadeenna Nabadgalyada ayaa howshaas qabtay ALLE ka sokow, waana uga Mahad-celinayaa ka hortagga Kooxaha Dhibaatooyinka geysanaya,” ayuu yiri Muungaab. Isagoo intaa kaddib ka Hadlay Barnaamijka is-dhex-galka Bulshada degmada iyo maamulkooda isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan howshan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamad ayaa isna Hoosta ka xariiqay in Haddii aysan jirin isku xirnaan ka dhexeysa Guddoomiyaha Gobalka, kan degmada iyo shacabka aysan suuro-gal ahaan lahayn in halkan la isugu yimaado caawa.

“Waxaan rabaa inaan laba qodob ka hadlo, midka koowaad gudoomiyaha ayaa ka hadlay waana canshuurta, waxaana aamin-sanahay in Guddoomiyaha Gobalka uu howl muuqata ka qabtay guud ahaan caasimadda, waana uga mahad-celinaynaa, sababtoo ah meeshaan hadda joogno iyo waqtigaan joogno ma dhacdeen haduusan isaga ahaan lahayn,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Somalia.

Mudane C/risaaq Cumar ayaa Qodobka labaad ku sheegay inuu yahay amniga ayna tahay in bulshada Degmada Karaan iyo Saraakiisha ammaanka Wada-shaqeeyaan ayna tani tahay Tallaabo laga billaaba degmada, waana tallaabo muhiim ah oo ku dayasho mudan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya