4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2015
Madaxweynaha Burunid oo sheegay in Al-shabaab ay duulaan kusoo tahay Dalkiisa (SAWIRRO)


Axad, May 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa markii ugu horreysay warbaahinta kula hadlay magaalada Bujumbura maanta oo Axad ah, kaddib afgambigii dhicisoobay ee Toddobaadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Burundi. isagoo ka hadlay khataraha Al-shabaab.

Nkurunziza ayaa Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Al-shabaab ay ku goodisay inay Burundi soo weerarayso, balse ma soo hadal-qaadin af-gambigii guul-darreystay ee la doonayay in xukunka looga tuuro iyo dagaalladii Khamiistii ka dhacay Bujumbura.

“Al-shabaabta Somalia waxay qorsheynaysaa inay soo weerarto dalkeenna, mana dhayalsan doonno hanjabaadda Al-shabaab,” ayuu Pierre Nkurunziza, oo intaas raaciyay inay dagaal adag kula jiraan Al-shabaab.

Sidoo kale, Nkurunziza ayaa shirkiisa jaraa'id kaga hadlay khatarta ay ku hayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia, gaar ahaan Kenya, Uganda iyo Burundi oo ay kumannaan ciidammo ah kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Dalka Burundi ayaa waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka socday dibadbaxyo rabshado wata, kuwaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana sidoo kale saraakiil ciidan ay dalkaas ka sameeyeen inqilaab guul-darreystay.

Xaaladda magaalada Bujumbura ayaa maanta oo Axad ah deggen, inkastoo ay ku baaqeen hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada inay Isniinta berri ah dib u billaabi doonaan dibadbaxyadii ay kaga soo horjeedaan go’aanka madaxweynuhu uu ku doonayo inuu mar saddexaad uga qaybgalo doorashooyinka madaxnimo ee ka dhici doona dalkaas.

“Waxaan maanta ku jirnaa fasax aanu ku aasayno dadkii naga geeriyooday,” sidaa waxaa yiri Pacifique Nininahazwe oo ka mid ah hoggaamiyeayaasha mudaaharaadyada ka socda dalkaas. Isagoo intaas ku daray. “Dibadbaxyadu waxay dib u billaabanayaan aroornimada hore ee Isniinta berri ah.”

Mucaaradka Burundi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu jabinaya dastuurka u yaalla dalkaas, iyagoo sheegay in dastuurku uu ogol yahay oo keliya in madaxweynuhu uu xilka madaxnimo isku taagi karo laba jeer oo keliya.

Xeer-ilaalinta Burundi ayaa Sabtidii shalay kusoo oogtay 17-qof oo la sheegay inay ku lug lahaayeen in-qilaabkii Arbacadii dhacay, Waxaana eedeysanayaashan ka mid ah Wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo laba sarkaal oo ka tirsan taliyeyaasha sare ee booliiska dalkaas. Inkastoo qareenkooda uu sheegay in eedeynta aysan waxba ka jirin oo loo geystay jir-dil xooggan si ay u qirtaan.

Hoggaamiyihii Af-gambiga Burundi, Jen. Godefroid Niyombare oo ahaa Taliyaha guud ee ciidamada millateriga Burundi, horayna u soo noqday taliyaha sirdoonka dalkaas ayaa weli baxsad ahaan ku maqan; laaakiin warar la helay Jimcihii ayaa sheegay in uu Qorsheynayo inuu si iskiis ah xukuumadda isku soo dhiibo.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadanaha ah oo lagu magacaabo, Innocent Muhozi ayaa isna maanta Warbaahinta u sheegay in loogu Hanjabay in la xiri doono amaba la dili doono, sidoo kalena waxaa la sheegay in madaxii idaacadda RPA oo loo hanjabay uu isaga cararay dalkaas.

Ugu dambeyn, Wararka laga helayo dalka Burundi ayaa sheegaya in ciidankii dagaalladii ka dhacay Khamiistii Bujumbura ku dhaawacmay ee taageeraysaa hoggaamiyihii afgambiga ka sameeyay dalkaas ay ciidammo daacad u ah madaxweynaha dalkaas ku weerareen isbitaal lagu daweynayo, iyadoo la baxay toddoba ka mid ah dhaawacyadaas.

Si kastaba ha ahaatee, Burundi ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidammo qayb ka ah AMISOM, kuwaasoo ka taageera dowladda Somalia dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya