4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2015
BOOSAASO: Boqolaal ka mid ah Qoysaskii kasoo Cararay Yemen oo la Ambabixyay (SAWIRRO)


Axad, May 17, 2015 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa laga soo Ambabixyay 300 oo ka mid ah Qoxootigii kasoo cararay Colaadaha Dalka Yemen ka socda, iyagoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo Puntland laga soo Ambabixiyo.

Qoxootigan Soomaaliyeed ee ka yimid dalka Yemen ayaa ambabixintooda waxaa gacan ka geysatay Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS oo ku guuleystay in dadkaan ay kasoo ambabaxiso deegaannada Puntland oo lagu soo dhaweeyay.

Dadkan ayaa loo kireeyay 10-gaari oo nooca caasiga loo yaqaanno ah, Waxaana Shirkadda Golis ay dadkaas siisay lacag ay ku jid-maraan oo loogu dhiibayay qoys walba aabbaha ama hooyada.

Sidoo kale, Dadkan ayaa la sheegay inay ku Wajahan yihiin Muqdisho iyo Deegaanno kale oo ka tirsan dalka, kuwaasoo dhibaatooyin kala soo kulmay, kaddib markii ay Dalkaas ka billowdeen Colaado u dhexeeya Ciidamada Dowladda awoodda-daran ee Waddankaas iyo xoogagga mucaaradka ah ee Xuuthiyiinta.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda GOLIS, Siciid Aadan iyo Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Shirkadda oo tagay halka la dajiyay Qoxootiga yimid ayaa sheegay in ambabixinta dadkan ay tahay mid ay samafal ahaan u sameynayaan.

Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka lasoo ambabixiyay ayaa suxufiyiinta u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Fursad u heleen in Deegaannadoodii ay ku laabtaan, si ay Ehelladooda mar kale ula midoobaan.

Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ah hoggaanka xiriirka dadweynaha ee GOLIS ayaa isna warfidiyeenka u sheegay inay iyaguna dhankooda ku faraxsan yihiin inay dadkan dib ugu laabtaan deegaannadoodii, taasna ay tahay midda ay mas’uuliyada gaarka ah isku saareen.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland, Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa isna sheegay in tallaabada shirkadda GOLIS ay qaaday ay tahay mid mudan in lagu daydo, isagoo ugu baaqay dadka ku nool deegaannada ay dadkan sii marayaa inay iyaguna wixii ay awoodaan ku caawinayaan.

Ugu dambeyn, xerada laga ambabixiyay 300-qof ayaa waxaa ku haray 700 oo Qof oo kale oo Iyagana u baahan Gurmad kaas la mid ah, iyadoo la Filayo in Dadkaan loo Ambabixiyo deegaannada ay kasoo jeedaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya