4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2015
Booliiska Dalka Kenya oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen sarkaal Lacagta Ururiya Al-shabaab

Axad, May 17, 2015 (HOL) — Ciidamada Booliiska Kenya ee la dagaalama Argagaxisada ayaa sheegay inay qabteen sarkaal ka tirsan Al-shabaab, kaasoo ay xuseen inuu lacagta uga ururin jiray gudaha dalka Kenya.

Ruuxan la sheegay inuu Al-shabaab ka tirsan yahay ayaa lagu qabtay magaalada ku taalla xeebta ee Mombasa, waxayna booliisku magaciisa ku sheegeen Cabdalla Saalim Bindo oo 45-jir ah.

Sidoo kale, Taliyaha booliiska Mombasa, Robert Kitur ayaa sheegay inay ruuxan la yeelan doonaan wareysiyo si ay wax badan uga ogaadaan howsha uu Al-shabaab uga hadlay gudaha Kenya, marka laga soot ago inuu lacagaha u ururiyo.

Cabadalla ayaa la sheegay inuu ku noolaa deegaanka Likoni oo loo diiwan-galiyay inuu ka mid yahay deegaannada ay xubnaha ka tirsan Al-shabaabta Kenya ay aad ugu xooggan yihiin.

Dhanka kale, saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay inay ka heleen taleefoonka gacanta ee uu watay C/lla Saalim xiriirro uu la sameeyay saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan gudaha Somalia.

Ugu dambeyn, booliiska Kenya ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ee soo socota uu lasoo taagi doono maxkamad, si wax looga weydiiyo ka mid ahaanshihiisa Al-shabaab oo dhowr weerarrro khasaare geystay ka geysatay gudaha Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya