4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Wadayaasha Mootooyinka loo yaqaan Bajajka oo Maanta Dibadbax ka dhigay Muqdisho (Sawirro)


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Darawallada Mootooyinka saddexda lugood leh ee Bajaajta loo yaqaan ayaa maanta mudaaharaad cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyagoo isugu tagay barxadda Iskaashatooyinka Gaadiidka Dadweynaha oo ku taalla degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Wadayaasha Bajaaj-ka ayaa sheegay inay ka Cabanayaan Lacago Xad-dhaaf ah oo ay ka qaadaan ciidamada Dowladda Hoose ee Xamar, iyagoo sheegeen in lacagtaas ay tahay mid badan oo aysan awood u lahayn inay bixiyaan.

“Madaxda dalka waxaan maanta u sheegaynaa inaan dhibaatooyin badan qabto, waxaana u sheegaynaa inaan mootooyinkan kala baxnay lacago aan Shaxaad ku helnay, haddii ay sidan xaaladdu kusii socotana waan tahriibaynaa,” ayuu yiri darawal ka mid ah kuwii dibadbaxa dhigayay maanta.

Sidoo kale, darawal kale oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah haysan intii aan mootooyinkaan la keenin Muqdisho, isagoo xusay inay ka baxeen shaqo la’aantii haysatay, balse hadda ay dhibaatooyin badan kala kulmeen ciidamada dowladda Somalia.

“Cabashada ugu Weyn ee aan Qabno Waa in Ciidamada Dowladda ay noo Diideen inaan marno waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, iyadoo gaadiidka kale loo ogol yahay inay maraan, iyagoo lacago badanna naga qaada. Waddooyinka naloo diiday waxaa ka mid ah waddada aadda garoonka diyaaradaha Muqdisho,” ayuu yiri darawal kale.

Farxaan Jaamac Cali isna ka mid ah darawallada Bajaajta oo isna warbaahinta kula hadlay barxadda iskaashatooyinka ayaa sheegay in bil walba laga qaado 60 doollar oo lacag ah, haddii aad jirran tahay iyo haddii ay mootadu kaa halleysan tahayna waa laga rabaa.

“Runtii lacagta ay ciidamada Dowladda Hoose ee Xamar ay naga Qaadaan waa mid aad u badan oo aanan awood u lahayn inaan bixinno, arrinta la yaabka leh waa in aad bixiso lacagta haddii ay toddobaad kaa halleysan tahay mootada ama jirro ay ugu dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku daray Farxaan Jaamac.

Dhanka kale, Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Jen. Mukhtaar Afrax ayaa Hadal uu u jeediyay mootooleyda kaga dalbaday inay iska soo saaraan guddi shan qof ka kooban si loo xalliyo cabashada ay qabaan, ayna howlahooda dib u billaabaan.

Ugu dambeyn, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ah taliyaha Taraafikada Somalia oo isna la Hadlay Mootooleyda ayaa sheegay in Cabashadooda uu u Gudbin doono Madaxda Dalka ugu sarreysa dalka si wax looga qabto.

“Mootooyin waa Gaadiidka ugu fara badan ee Shacabka qaada uguna daqliga yar, waxaana halkan ka caddeynayaa in wax laga qaban doono cabashadooda, isla markaana uu u gudbin doono guddiga ay iska soo saareen mas'uuliyiinta dowladda Somalia si ay uga dhageystaan cabashada ay qabaan,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu Horreysay oo Mootooleyda Bajaaj-ka ay ka dhigaan Muqdisho dibadbax noocan oo kale ah, iyadoo intii uu dibadbaxu socday ay mootooyinkan ku yaraadeen degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya