4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Maanta Gaaray Boorame si weyna loogu soo Dhaweeyay


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Madaxweyne xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si labaadhan loogu soo dhoweeyey gobolka Awdal kaddib markii uu maanta ka anbaxay magaaladda Hargeysa.

C/raxmaan Saylici ayaa degmadda Dilla kaga hor yimid madaxda heer gobol iyo degmo iyo dadweynaha gobolka Awdal, kuwaas oo usoo galbiyey magaaladda Boorama.

Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, ayaa sheegay in ujeedadda safarkiisa tahay inuu dadweynah gobolka Awdal kala qaybgallo munaasibadda 18 May oo ah maalintii ay Somaliland ku dhowaaqday madaxbanaanidda iyo  inay gooni ka tahay Soomaaliya.

“Madaxweyne xigeen, Waxaa Halkan kugu soo Dhawaynaya Dadweynaha Heer Gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal oo ah qaybaha bulshada ee kala duwan sida dhalinyarada iyo salaadiinta. Madaxweyne ku soo dhawoow si aad noogala qayb gashid maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May, aadna waanu kuugu mahadnaqaynaa adiga iyo weftigaaga balaadhan,” ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax.

Sidoo kale, Saylici ayaa dadweynihii ku soo dhaweeyay gobolka Awdal uga mahad naqay, isla markaana ka hadlay ujeedada safarkiisa Boorama, waxaanu yidhi “Marka hore Illaahay baa mahadleh, marka labaad waxaan bogaadinayaa oo u mahadcelinayaa maamulka heer gobol iyo dadweynaha Awdal ee sida sharafta leh noo soo dhaweeyay. Waxaan rajaynaa in hawlaha aanu u soconaa khayr ku dhamaadaan, insha Allah waxaynu iska xog waraysan doonaa arrimaha gobolka iyo degmadaba,dhinaca nabadda iyo sidii aynu u xoojin lahayn iyo dabaal dega 18-ka May ee ah 24 sanno guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay,”

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa Guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland looga diyaar garoobayaa xuska sanad guuradda 24aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga Somaliland, waxaana inta badan goboladda iyo dalalka dibadda wasiiradda si ay dadweynaha ugala soo Qayb-galaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland