4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Dibadbaxyo Maanta dib uga bilowday Magaalada Bujumbura kaddib Afgambigii Dhicisoobay (SAWIRRO)


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Boqollaal Mudaaharaadayaal ah oo kasoo Hor-jeeda inuu mar saddexaad isku soo taago xilka madaxnimo madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza ayaa maanta oo Sabti ah isugu soo baxay Waddooyinka Bujumbura, Xilli Madaxweynaha dalkaas uu ka digay mudaaharaadyo kale oo ka dhaca Caasimadda dalkiisa.

Waddanka Burundi ayaa waxaa Toddobaadyadii lasoo dhaafay ka  socday dibadbaxyo ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad fara badan, iyadoo Dibad-baxyadani ay sabab u noqdeen afgambi dhicisoobay oo Arbacadii looga dhawaaqay Bujumbura.

“Haddii aan muwaadiniinta dalkan nahay, ma ogolaanayno in dastuurka Qaranka la jabiyo, umana ogolaanayno madaxweynaha dalka inuu mar saddexaad dalkan hoggaanka u qabto… Dibadbaxyada waan wadaynaa inta uu xilka iska-casilayo,” ayuu yiri Nduwimana Belamie oo ka mid ah dadkii maanta dibadbaxayada dhigay.

Kooxaha mucaaradka ah ayaa ku doodaya in go’aanka uu madaxweynuhu qaatay uu xad-gudub ku yahay Dastuurka iyo Heshiiskii lagu soo af-jaray Colaadihii Dalkaas ka taagnayd, iyadoo xilligaas isaga laga dhigay madaxweynaha dalka.

Mudaaharaadyada ka socda Burundi ayaa sabab u noqday inay saraakiil ciidamada ka tirsan ay ku dhawaaqaan Arbacadii lasoo dhaafay Afgambi, inkastoo uu fashil ku dhamaaday, waxaana dowladdu ay sheegtay inay xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminayay afgambiga.

Ciidamada Booliiska iyo Millateriga Burundi ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Bujumbura, iyagoo qaadayay jid-gooyooyin la dhigay intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay ciidamada daacadda u ah Nkurunziza iyo kuwii taageerayay hoggaamiyeyaasha afgambiga dhicisoobay sameeyay.

Illaa hadda lama sheegin cid waxyaallo kasoo gaartay dibadbaxyada; inkastoo ay ciidamadu rasaas mararka qaarkood hawada u tuurayeen iyadoo Dibad-baxayaashu ay ku sugnaayeen waddooyinka caasimadda Burundi.

Ugu dambeyn, shacabka dalka Burundi ayaa warbaahinta u sheegay inay qorsheynayaan in maalinta Isniinta ah ee soo socota ay dhigaan dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Go’aanka madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayo inuu Doorashada ka Qayb-galo mar saddexaad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya