4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Bandowgii Saarnaa Gobolka Waqooyi-bari Kenya oo BIL lagu Daray iyo Shacabka oo ka Cabanaya


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga dalka Kenya ayaa maanta muddo bil ah ku kordhiyay Bandowgii saarnaa Magalooyinka gobolka Waqooyi-bari-Kenya ee Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera.

Magaalooyinkaan Gobolka Waqooyi-bari-Kenya iyo deegaanka Tana River ayaa lagu soo rogay bishii hore ee Abriil bandow, kaddib markii Al-shabaab ay weerar khasaare geystay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa.

Bandowga ayaa billaabanaya 6:30 maqribnimo isagoo soconaya illaa 6:30 subaxnimo. Sidoo kale amarkan ayaa lagu mamnuucay in hub sharci-daro ah qaato magaalooyinkaas.

Sidoo kale, bandowgii horay loogu saaray magaalooyinkaan ayaa ku eg maanta oo ay bishu tahay 16-ka May. Wuxuuna Wasiirku uu ku micneeyay in Bandowgaan uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka gobolka Waqooyi-bari-Kenya.

Dadka Gobolkaas ku nool ayaa ka cabanaya Bandowga; iyagoo Xusay inuu curyaaminayo noloshooda. iyadoo weli gobolkaas kasii soconaya weerarrada ay Al-shabaab ku qaadayso; iyagoo toddobaad ka hor weeraray saldhig ciidan oo Xadka ku dhow.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ku goodisay inay xoojinayso Weerarrada ay ka geysanayso gudaha dalka Kenya, iyadoo xukuumadda Kenya ugu baaqday inay la baxdo ciidamadeeda ku sugan Somalia si weerarrada ay uga joojiso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya