4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
SAWIRRO: Jaamacada SIMAD oo Maanta Daah-furtay Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa Xarunteeda Muqdisho ku daah-furtay maanta Munaasabadda Toddobaadka Dhaqanka oo ay ka Qayb-galayaan Boqollaal arday ah.

Munaasabadda toddobadaka dhaqanka ee jaamacadda SIMAD ayaa sannad kasta xilligan oo kale la qabtaa; waxay ardaydu kusoo bandhigeen waxyaabo badan oo ka turjumaya dhaqamada Soomaalidu leeyihiin; sida Aqal Soomaali laga dhex-dhisay Jaamacadda iyo agabyo kale.

Waxaa kaloo ka Qayb-galay xafladda marti-sharaf kale oo ka socday bulshada, macallimiin iyo mas’uuliyiinta Jaamacadda SIMAD, iyadoo munaasabadda ay qayb ka yihiin tartamo ciyaareed dhaqan, Subac iyo Qur’aan Akhris, tartamo cilmiyeed iyo wax-yaabo kale oo socon doona muddo toddobaad ah, sida ay sheegtay Dr. Faadumo Abuubakar oo ka mid ah guddiga qaban-qaabada munaasabadda.

“Toddobaadka Dhaqanka hadduu ALLE idmo waxaa ku tartami doona 300 oo Arday oo ka tirsan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIMAD, iyagoo ku Tartami doona Waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin, hal-abuur ama gabayo, geeraar, buraabur, cayaaro isboorti ah oo xarig-jiidka uu ka mid yahay, waxaa kaloo Tartanka qayb ka ah Qur’aanka Kariimka oo ay ka Qayb-geli doonaan dadka xifdisan Qur’aanka oo iyagana la rabo Soomaalida inaan wada gaarsiino oo aan hormuud u noqonno,” ayay tiri Dr. Faadumo.

Sidoo kale, ku simaha guddoomiyaha SIMAD Inj. Maxamuud Maxamed Calasoow oo ka hadlay xafladda ayaa ka hadalka muhiimadda todobaadkan uu u leeyahay Jaamacadda iyo ujeeddada laga leeyahay, isagoo xusay in tartankan uu ka duwanaan doono kuwii hore.

“Waxaa noo furmay Toddobaaadka Dhaqanka Qaabka uu u furmayna waa Toddobaadkii lasoo saarayay dadka Quluubtooda waxyaabaha wanaagga ah ee ku jira, aqoon-yahanno fara badan ayaa idinku jira laakiin ciddii idinka soo saari lahayd ayaa la rabaa, Annaguna waxaan billownay inaan isku dayno inaanu idin kasoo dhex-saarno,” ayuu Inj. Calasow ka sheegay munaasabadda.

Ugu dambeyn, Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD wuxuu ka mid yahay wax-qabadyada ay ardaydu sameeyaan, kaasoo Jaamacaddu ay Sannadkiiba hal mar qabto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya