4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
XASAN SHEEKH: Waa in Sharciga dalka Fursad la siiyo Garsoorkana la Xushmeeyaa (SAWIRRO)


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhallinyarada ay udub-dhexaad u yihiin hirgelinta qorshaha muhiimka ah ee hor-yaalla dowladda Somalia sida; Amniga, Siyaasadda iyo soo kabashada Dhaqaalaha Dalka.

Xasan Sheekh oo ka hadlay xaflad lagu xusayay sanad-guuradii 72-aad ee kasoo wareegtay 15-ka May oo ah markii la aasaasay dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen 13-dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa si gaar ah uga hadlay muhimada ay leedahay in sharciga la dhowro.

“Muhimadda koowaad ee dowladda waa sugidda amniga, si taas loo gaarana waxaa lagama maarmaan ah inaan dhowrno sharciga. Waxaa mararka Qaar dhacda in Dad lagu Tuhunsan yahay inay Al-shabaab ka Tirsan yihiin ama Dambiyo kale galeen ay soo Daba-galaal Dad mas’uuliyiin ah, taasina sax ma ahan. Waa in Sharciga Fursad la siiyo, nidaamka garsoorka ee innaga dhexeeyana la xushmeeyaa. Ciidamada Ammaanka waxaa saaran inay Sharciga ilaaliyaan oo aanay wax sharciga ka baxsan ku dhaqaaqin, isla markaana ay ogaadaan inuu jiro isla-xisaabtan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynuhu Wuxuu uga digay Dhallinyarada Soomaaliyeed inaysan Raacin kuwa marin habowsan ee nabadda kasoo horjeeda, isla markaana ay gacan ka geystaan dib u dhiska iyo sugidda amniga dalka.

“Horumarka aan Sameynayno Waxaa hor-taagan Al-shabaab, dhibaatada ugu weyn waxay ku dhacayso waa dhallinyarada. Wuxuuna waajib idin ka saaran yahay inaad qaybtiinna ka qaadataan sidii looga hortegi lahaa kooxdaas Fikradaha qaldan wata. Sidoo kale Dowladda way soo dhaweyneysaa kuwa wax ku doonaya si Nabad ah; Isla markaana Diyaarka u ah inay dagaalka iyo rabshadaha isaga haraan, waana sii wadi doonnaa mar walba inaan nabad wax ku raadinno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Intaas ku daray in loo baahan yahay in Xoogga la Saaro wax-soo-saarka dalka si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dhaqaalaha, lana ogaado inaysan ummadi ku hormari karin in dibadda laga quudiyo.

Xafladda waxaa kasoo qayb-galay, guddoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda oo khudbado ka jeediyay.

Ugu dambeyn, Munaasabada ka hor ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Wuxuu Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir kaga Qayb-galay daawashada ciyaar lagu xusayay 15-ka May, isagoo koob guddoonsiiyay Kooxda Jeenyo oo ciyaarta kaga badisay Kooxda Elman.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya