4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Askar Tababar loogu Qaaday Turkiga oo Maanta ay Xukuno ku riday Maxkamada Ciidamada Somalia


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi ah ku ridday labo ka askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya oo lagu eedeeyey Qiyaanno Qaran.

Kaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia Col. Xasan C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in labada Askari ay ka tirsanaayeen ciidammo Tababar loogu qaaday Turkiga, waxayna Xeer-ilaalinta ku eedeysay inay doonayeen inay Xerada ay ku tabaranayeen ka baxsadaan, lagana soo qabtay Hoteel ku yaalla Gudaha Dalka Turkiga.

Askarta la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacabaa; C/xakiin Maxamed Yuusuf oo 24-jir ah iyo Haashim Cabdi Maxamed 18-jir ah oo waxay maxkamadu ku Xakuntay min 10-sano oo Xarig ah, maadaama ay isku dayeen inay ka goostaan Tababar Ciidan oo loogu Qaaday dalka Turkiga.

“Labadan Askari oo ka mid ahaa askar tababar loogu qaaday Turkiga waxay ku heshiiyeen inay ka baxsadaan xeradii ay ku tababaranayeen si ay ugu galaan dalalka Yurub Qaarkood, sidaa awgeed waxay maxkamaddu ku xukuntay labadan eedeysane min 10-sano oo Xabsi Ciidan ah,” ayuu yiri Col. Xasan Shuute.

Sidoo kale, Col. Xasan ayaa sheegay in labada askari ay qirteen inay ku heshiiyeen inay u tahriibaan dalalka Yurub, iyagoo ka faa’iideysanaya tababarka ay u tageen dalka Turkiga.

Xukunka maanta lagu riday Askartan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay rido maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in xukunka lagu riday labadan askari rafcaan laga qaadan karo.

Ma ahan markii ugu Horreysay oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay xukunno ku riddo askar iyo dad ay ku eedeynayso inay Al-shabaab ka tirsan yihiin xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya