4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Madaxweynaha Puntland oo ku laabtay Garoowe Xilli Xukuumadiisa Walaac laga Muujinayo (SAWIRRO)


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ,ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay wadamada Talyaaniga ,isu tagga Imaaraadka Carabta iyo waliba Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacab badan ayaa Madaxwenaha kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.

“Ujeeddada aan u baxnay waxay ahayd horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, is-badalka dowladiga ah wuxuu ku xiran-yahay in wax laga qabto arimaha dhaqaalaha," ayuu yiri madaxwenaha oo hadal kooban warbaahinta siiyay.

”Madaxda wadanka Talyaaniga waxaan kawada hadalnay in mashaariicda ay wadanka ka fuliyeen ay sii laba jibaaraan oo mashaariic kale oo horleh ay ka keen Puntland waana raje-ynaynaa in wada hadalkayagu mira dhalo ” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxa kaloo madaxweyne Gaas uu sheegay in magaalada Nairobi uu kala kulmay safiirada Midowga Yurub, Maraykanka, Holland, Swedan iyo madax ka tirsan Bangiga Adduunka, waxaana Dhamaantood uu Sheegay inuu kala hadlay Arrimo la xiriira Wax-ka-Qabashada dhaqaalaha Puntland.

Ugu dambeyn, imaanashaha madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Puntland ay ku baaqeen shir deg-deg ah oo looga tashanayxaaladda Puntland ,waxaana Xildhibananadu ay dalbadeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda hadda shaqaynaysa si xal loogu helo arimo ay kamid yihiin amniga iyo dhaqaalaha.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]