4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Madaxweynihii hore ee Masar iyo in ka badan Boqol Qof oo Maanta lagu Xukumy Dil Toogasho


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi iyo 105 ruux oo kale oo ka mid ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin ayay maanta maxkamadi ku xukuntay dil toogasho ah.

Dadka xukunka lagu riday waxaa ku jira Sh. Yuusuf Al-Qardaawi oo ka mid ah culumada waaweyn ee Masar oo ku nool dalka Qatar iyo hogaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo dalkaas laga mamnuucay.

Mursi ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii xukunka dalkaas laga tuuray bishii July ee 2013-kii, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay Qiyaano Qaran iyo inuu ka Dambeeyay Maxaabiis ka baxsaday xabsi Sannadkii 2011-kii.

Garsooraha maxkamadda Masar ayaa ku dhawaaqay xukunka, iyadoo Mursi uu tan iyo intii uu xukunku dhacay aamusnaa, isagoo ku sugnaa qol yar oo loogu talo-galay in maxaabiista la keeno.

Prof. C/llaahi Al-Arian oo ah macallin cilmiga taariikhada ka dhiga Jaamacadda Georgetown ee dalka Qatar ayaa xukunka ku Tilmaamay xukunka Dilka ah ee lagu Xukumay Maxamed Mursi inuusan ahayn mid lala yaabo, maadaama muddo laba sanadood ah uu ku jiray xabsi, laguna goodinayay in la xukumi doono.

“Xukunkan Mursi wuxuu Muujinayaa in Awoodda Dalka Masar ay tahay mid ay ku amar-ku-taaglenayaan milateriga dalkaas ee awoodda kula wareegay,” ayuu yiri C/llaahi Al-Arian.

Mas’uuliyiinta millateriga ah ee dalka Masar ayaa ka mamnuucay dalkaas ururka Ikhwaanul Muslimiim oo uu Mursi ka tirsan yahay, iyagoo ku eedeeyay inay yihiin Kooxo Argagaxiso ah oo doonaya inay dalkaas dhibaatooyin u horseedaan.

Bishii lasoo dhaafay ayay maxkamad ku taalla Mar waxay Mursi iyo 12-qof oo kale oo ka tisran Ikhwaanul Muslimiin min20-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen jirdil iyo xarig loo geystay dad dibadbaxayaal ah sannadkii 2012-kii.

Xukunkan dilka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweynihii talada laga tuuray ee Masar lagu rido tan iyo markii la xiray, iyadoo markii xukunkan uu dhacay ay taageera-yaashiisu ku tilmaameen xukunkan mid aan sharci ahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya