4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2015
Ururka SOM-INDIA oo Xusay Maalinta Dhallinyarada ee 15-ka MAY Hoggaanna Doortay (SAWIRRO)


Sabti, May 16, 2015 (HOL) — Ururka Dhallinyarada SOM-INDIA oo ay ku Bahoobeen Ardayda Soomaaliyeed ee kasoo baxay Jaamacadaha dalka India ayaa Muqdisho ku xusay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, iyagoo isla munaasabadda ku doortay hoggaan cusub.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay 100 xubnood oo aqoonyahanada Somalia ka mid ah, gaar ahaan kuwii kasoo qalin jabiyay jaamacadaha dalka India, kuwaasoo isugu jiray, dhakhaatiir, Ingineero, ganacsato, mas’uuliyiin ka socotay dowladda iyo xubno ka socday qaybaha bulshada.

Xaflada oo ay soo qabanqaabiyeen shirkadaha isgaarsiinta ee MUFAKIR IYO UNITEL ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ardaydii India wax ku soo bartay oo hadda mas’uuliyiin iyo howlwadeenno ka ah shirkado iyo hay’ado dalka ka howlgala.

Maamulaha Bangiga Dahab-Shiil Qaybtiisa Magaalada Muqdisho, Cismaan Xalane oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa ka waramay ururka SOM-INDIA iyo marxaladihii uu soo maray, wuxuuna xusay in ururka la aasaasay saddex sano ka hor, uuna leeyahay dastuur lagu maamulo iyo barnaamij qeexaya ujeeddooyinkiisa iyo wax-yaabaha uu hiigsanayo.

“Ujeeddooyinka loo aasaasay ururka SOM-INDIA waxaa ka mid ah iska warqabka iyo isku xirka ardayda Soomaalida ee wax kusoo baratay Jaamacadaha India, inuu ka shaqeeyo qaabka ugu fiican ee ardaydaas aqoonta ay soo barteen uga faa’iideyn lahaayeen dalkooda iyo dadkooda iyo qaar kale,” ayuu yiri Cismaan Xalane.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda xubno ay ka mid ahaayeen; Jacfar Maxamed Axmed oo ka mid ah Ardaydii ugu horreeyay ee India wax ku bartay, Sheekh Maxamed Guuleed Ameeriko, Ubax Nuur Sh. Maxamed oo ka mid ah madaxda Bangiga IBS, Axmed Sh. C/Mufakar oo ka mid ah howl-wadeennada sare ee Shirkadda Mufakar Telecomunication, Maxamed Cawil Abshir oo isna ah madaxa shirkadda UNITEL, Sh. Tahliil Xasan Maxamuud oo ka mid ah ardaydii ugu dambeysay ee ka yimid India, Ibraahiam Maxamed Nuur oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaarada caafimaadka DF Somalia iyo xubno kale.

Dhamaan xubnahan ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururka sidii loo horumarin lahaa, sidii loo wada shaqeyn lahaa iyo loona hirgelin lahaa himilooyinka uu tiigsanayo, waxaana qaarkood ay sheekeeyeen caqabadaha heysta ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta India gaar ahaan arrimaha socdaalka oo ay xuseen in dhibaatooyin ay ka jiraan, iyagoo ugu baaqay dowlada Somalia iney deg deg wax uga qabato.

Intaa kaddib waxaa la guda-galay doorasha Hoggaanka Cusub ee Ururka SOM-INDIA, waxaana doorashada ka hor qaabka ay dhaceyso faahfaahin ka bixiyay C/raxmaan Yusuf Macallin (Siyaasi) oo ka mid ahaa guddiga qaban-qaabada doorashada.

Caydaruus Macallin Maxamed oo ahaa musharaxa kaliya ee isku taagay doorashada ayaa ugu dambeyn cod gacantaag ah waxaa loogu doortay inuu gudoomiyaha cusub ee ururka dhalinyarada SOM-INDIA noqdo, wuxuuna yiri. “Dhamaan xubnaha ururka SOM-INDIA waxaan ka codsanayaa inay ila shaqeeyaan gacana igu siiyaan gudashada waajibaadka la ii xilsaaray, waxaana u mahad celinayaa ka soo qeyb galayaasha iyo xubnaha soo qaban-qaabiyey munaasabadan qiimaha badan.”

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda hadalo isugu jiray dardaaran, Guubaabo iyo duco kasoo jeediyey Maxamed Cismaan oo ahaa safiirkii hore ee Dowladda Somalia u fadhiyey Koonfurta Suudaan, wuxuuna ardayda Soomaaliyeed ee wax kusoo bartay Jaamacadaha India ugu baaqay inay midnimadooda adkeeyaan aqoonta ay soo barteena dadkooda iyo dalkooda uga faaiideeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya