4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
WARBIXIN: Degmada Xuddun ee Gobolka Sool oo Noqotay Deegaan loo dalxiis tago (SAWIRRO)


Jimco, May 15, 2015 (HOL) — Degmada Xuddun ee Gobolka Sool oo Waqooyiga ka xigta magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool qiyaastii 83-KM ayaa waxaa ka da’ay Roobabkii gu’ga, taasoo ka dhigtay deegaan dalxiiska ku habboon.

Shabakadda HOL oo booqatay ayaa kula kulantay Koonfurta Magaalada Xuddun qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo dhallinyaro dalxiis ugu baxay xilli roobab Mahiigaan ahi ay isku daba-mareen.

Xasan Maxamuud Dhiilood oo ah siyaasi ku sugnaa sanadihii u dambeeyey Xuddun ayaa Wuxuu HOL u sheegay in Deegaankani yahay Dhul Ciiddiisa iyo Hawadiisuba ay Hodon yihiin, balse aanay dadkeedu ka faa’iidaysan.

“Biyaha roobku waxay maraan waddooyin ay samaysteen, iyagoo aan leexleexan ayayna badweynta Hindiya kaga darsamaan degmada Eyl ee gobolka Nugaal, mana jirto cid isku dayda inay hakiso. Marba marka kasii dambeysa way sii yaraanayaan faa’iidada biyuhu dhulka u reebaan,” ayuu yidhi Dhiilood.

Wuxuu intaas ku daray Dhiilood inay jiraan deegaanno ay wax yar ka qabteen ururo wadani ah oo haatan noqday meelaha ugu Quruxda badan loona baahan yahay inay dadku ku day-daan.

Sidoo kale, Keyse Jamac Aadan oo ka mid ah macallimiinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee Ilays ee ku yaalla degmada Xuduan ayaa xusay in xilligan ay dhallinyarada wax-barata maalmaha Khamiista iyo Jimcaha aadaan iyaguna ay ku dhiirri-geliyaan dal-jacaylka.

Intaa kaddib waxaan u gudubnay goob aad u Qurux badan oo ku taalla Duleedka Degmada Xudur kana xigta dhanka Koonfureed qiyaastii 2-KM, laguna magcaabo Dooxada Xuddun oo ah goob ay doog iyo biyo ku kulmeen, isha daawanaysana aanay ka jeedsanayn.

Qaar ka mid ah Aqoon-yahannada  deegaankaas ayaa si joogto ah galabtii halkaas u taga sida la ii sheegay Waqtiyada Barwaaqada, Qaar badan oo Qurbo-joog ah ayaa iyagana isku soo aadiya xilliyada Xagaaga ah.

Dhamaan dadku waxay sheegayaan in dhibaato xoog leh ay kusoo Fool-leedahay Dooxada Xuddun oo Dhuxulaysato ayaa marar badan lagu arkay, inkastoo halkaas laga eryay; balse deegaanno ku dhow ay dhirta ku shidaan; iyagoo dadku ay inta badan sheegayaan inaysan waxba ku ahayn inay kusoo dhiiradaan oo xilli xiliyada ka mid ah dab suraan.

Ugu dambeyn, Qaybaha kala duwan ee xoolaha nool ayaa dooxada Xuddun si aad ah loogu arkayaa, waxaana la ii sheegay in dhawaan ay fardo badan oo deegaano ay waqtigii abaarta aadayna ay kusoo fool leeyihiin, iyadoo la ii xaqiijiyay in toddobaadyada soo socda ay sidii dhameystirmi doonto Quruxda Dooxada.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool