4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
SAWIRRO: Madaxweynaha Burundi oo Markii ugu Horreysay Maanta lagu Arkay Bujumbura


Jimco, May 15, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii la sheegay in la af-gambiyay xilli uu Tanzania shir uga Qayb-galayay waxaa maanta lagu arkay faras-magaalaha xarunta Burundi ee Bujumbura.

Nkurunziza ayaa ku sheegay hadal kooban ku sheegay Mudaaharaadayaasha ay Qayb ka ahaayeen Af-gambigii fashilmay ee lagu sheegay in xilka looga tuuray, isagoo Amray in si Awood ah Mudaaharaadyada lagu joojiyo.

Taageerayaasha madaxweynaha Burundi ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada si ay u soo dhaweeyaan Nkurunziza, iyadoo hal qof ay ku toogteen Ciidamada Booliiska meel ku dhow madaxtooyada dalkaas, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii u soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha.

Sidoo kale, ciidamada daacadda u ah madaxweynaha Burundi ayaa xiray saddex ka mid ah saraakiishii Hoggaaminayay In-qilaabka oo uu ka mid yahay Jen. Godefroid Niyombare oo Arbacadii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inay madaxweynaha afgambi ku sameeyeen.

Hadalka Nkurunziza ee uu uga digay dibadbaxyada ayaa keenay in booliiska dalkaas ay ugu baaqeen shacabka inaysan wax dhibadbaxyo ah dhigin, waxayna ku goodiyeen inay toogan doonaan ciddii isku dayda inay dibadbax dhigto.

“Ciiddii isku dayda inay dibadbax dhigto waanu toogan doonnaa,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha booliiska dalka Burundi oo ka hadlayay xaafad ka mid ah xaafadaha caasimadda dalkaas ee Bujumbura, inkastoo xaaladdu ay deggen tahay maanta.

Xaaladda magaalada Bujumbura ayaa deggen maanta, iyadoo inta badan idaacadaha gaarka loo leeyahay ay Hawada ka maqan yihiin, iyadoo Idaacadda Dowladda iyo TV-ga Qaranka oo keliya ay hawada ku jiraan.

Madaxweynaha dalka Burundi ayaa taageerayaashiisu waxay maanta ugu baaqeen inuu ka qaybgalo doorashada madaxnimo ee dalkaas, iyagoo ballanqaaday inay mar kale soo dooran doonaan, uuna dalka hoggaamin doono.

Ugu dambeyn, Nkurunziza ayaa lagu Wadaa inuu jeediyo Khudbad Qaran, Taasoo uu kaga hadli doono Af-gambigii dhicisoobay ee Dalkaas ka dhacay Toddobaadkan iyo Xaaladda ka taagan Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya