4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
Al-shabaab oo Maanta Weerar ku Qaaday Laba Degmo oo ka Tirsan Gobolka Shabeellada Hoose


Jimco, May 15, 2015 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, tiro ka bandanna way ku dhaawacmeen weerarro ay Al-shabaab saakay ku qaaday degmooyinka Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo lixda qof ee ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen labada dhinac.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerarkooda la beegsadeen saldhigyo ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ku lahaayeen degmooyinkaas, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta degmooyinkaas.

Balse, war-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in xoogagga ka tirsan Al-shabaab ay soo weerareen degmooyinkaas ayna carareen markii ciidanka ku sugan ay dagaal kala hortageen.

Warbixin ay Al-shabaab soo dhigtay barahooda Internet-ka ayay ku sheegeen inay ku dileen weerarkaas 10-askari oo ciidamada dowladda Somalia ka tirsan, balse ma sheegin khasaare dhankooda kasoo gaaray weerarkaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka ay Al-shabaab weerartay ayaa sheegay inay gudaha u soo galeen xoogagga Al-shabaab gudaha degmooyinka Mubaarak iyo Aw-dheegel, kaddib markii ay ka carareen ciidamadii dowladda ee ku suganaa.

“Aroonimadii hore ee saaka ayay Al-shabaab soo weerartay degmada Awdheegle, waxaana u suuro-gashay inay qabsadaan, kaddib markii ciidamada dowladda Somalia ay ka carareen saldhigyadii ay degmada kaga sugnaayeen,” ayuu yiri Cali Shariif oo ka mid ah shacabka ku nool degmada Aw-dheegle.

Sidoo kale, goobjooge kale oo ku sugan Mubaarak ayaa isna sheegay inay Al-shabaab soo weerartay degmadooda, dagaal muddo kooban socday kaddibna ay la wareegeen gacan ku haynta degmada.

Dhanka kale, Taliska AMISOM ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegtay inay Al-shabaab soo weerartay laba degmo oo ka Tirsan Gobolka Shabeellada Hoose Aroornimadii hore ee Jimcaha maanta ah, wayna carareen iska-horimaad ay ciidamada Somalia la galeen kaddib.

“Xoogagga Al-shabaab waxay weerar arbushaad ah kusoo qaadeen saakay Aw-dheerle iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, Balse jab Xooggan ayaa loo geystay,” ayuu yiri Jen. Sam Kavuma oo ah taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolkaas.

Ugu dambeyn, Jen. Kavuma ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo kusoo qaadaysay saldhigyada ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM tan iyo markii deegaanno badan laga bixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, degmooyinka ay Al-shabaab saakay weerartay ayaa waxay ka xigaan dhanka Koonfureed Muqdisho qiyaastii 75-km.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya