4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
BURUNDI: Saraakiishii Afgambiga Sameeyay oo maanta la xir-xiray iyo Kacdoonkii oo weli taagan


Jimco, May 15, 2015 (HOL) — Saddexdii sarkaal ee hoggaaminayo af-gambigii ka dhacay Dalka Burundi ayaa maanta Xabsiga la dhigay, iyadoo Kacdoonkii ka dhashay go'aankii uu madaxweynuhu ku dhawaaqay ee ahaa inuu Doorashada bisha soo socota ka Qayb-galayo ay weli taagan yihiin.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo safar ku joogay dalka Tanzania oo ay dariska yihiin ayuu ku dhawaaqay Jen. Godefroid Niyombare iyo saraakiil kale oo ka tirsan millateriga dalkaas inay inqilaabeen madaxweynaha, iyadoo la filayo in Pierre Nkurunziza uu khudbad ka jeediyo magaalada Bujumbura maanta oo Jimco ah.

Warbixin lagu Daabacay Wargeyska New York Times ayaa iyadana lagu sheegay in lagu arkay madaxweynaha caasimadda Burundi, kaddib markii uu xalay dib ugu laabtay dalka Burundi oo uu dibadda uga maqnaa.

“Xaaladda magaalada Bujumbura ayaa maanta deggen, iyadoo waddooyinka aysan joojin dadkii dibadbaxyada dhigayay, kaddib dagaalladii Shalay Bujumbura ka dhacay, kaasoo u dhexeeyay ciidammo daacad u ah madaxweynaha iyo saraakiishii Af-gambiga sameeyay,” ayaa lagu sheegay wararka maanta laga qoray Burundi.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Waddooyinka Waaweyn ee Dalkaas ay ku sugan yihiin ciidammo Booliis ah oo ay jid-gooyooyin u yaallaan, balse xalaadda nololeed tahay mid si caadi ah ku socota.

Wakaaladda Wararka Mareykanka ee AP ayaa Saraakiil daacad u ah Madaxweyne Pierre Nkurunziza kasoo xigatay in Jen. Niyombare iyo laba sarkaal oo millateri iyo weliba taliye booliis la xiray maanta oo Jimco ah.

Dhanka kale, BBC-da ayaa iyaduna kasoo xigatay afhayeenka madaxweynaha Burundi in Saraakiisha loo xir-xiray Af-gambiga uu ku jiro taliyihii hore ee ciidamada difaaca Burundi, Jen. Cyrille Ndayirukiye.

Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa tan iyo bishii hore ka dhacayay magaalada Bujumbura ee xarunta Burundi, kaddib markii madaxweynaha dalkaas uu sheegay inuu ka qaybgalayo doorashooyinka madaxnimo ee Dalkaas ka dhacaya, taasoo ay Dadka Siyaasadda uga soo hrojeeda ku sheegeen mid uu ku jabinayo dastuurka dalkaas.

Ugu dambeyn, dibadbaxyadii ka Burundi ayaa waxaa ku dhintay ka badan 15-ruux oo isugu jiray shacab iyo ciidammo booliis ah, iyadoo xabsiyada loo taxaabay dhowr boqol oo qof oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in dad ka badan 10,5000  oo ruux ay ka carareen dalkaas tan iyo markii ay dibadbaxyada rabshadaha wata ka billowdeen kuwaasoo gaaray dalalka dariska ah Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya