4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
Xildhibaano iyo siyaasiyiin Xuska 15 May uga Qayb-galay Degmada Baladweyne (SAWIRRO)


Jimco, May 15, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta si weyn loogu dabaal-dagayo xuska 15-ka May oo ah maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa munaasabad maalintan lagu xusayay waxaa lagu qabtay magaalada Beledweyne, waxaa ka qayb-galay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda ayaa looga hadlay taariikhdii qiimaha badneyd ee 13-kii dhalinyarrada ahaa ee SYL, kuwaasoo lagu tilmaamay inay ahaayeen geesiyaal u bareeray ka miro-dhalinta xoriyadda aynu maanta haysanno.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buuraale [Raaxeeye] oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa ku dheeraaday dhinaciisa wax qabadka ururka dhalinyarrada, isaga oo sheegay in ay taageero ballaaran siin doonaan isna bar bar taagi doonaan dhalinyarrada shirweynaha dib-u-hishiisiinta iyo ayaaha gobolka looga wadda hadallayo ee ka socda magaalada Beledweyne.

“Annaga ka dhalinyarro gobolka Hiiraan ahaan doorkeena waa cad yahay waana muuqdaa, wax badan oo wali dhimanna waa ay jiraan oo u baahan in wax laga qabto, waxaan rabaa in aan maanta halka ka sheego in dhalinyarrada gobolka si buuxda u taageersan tahay isna bar bar taagi doonto shirweynaha ka soconaya Beledweyne,” ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka dhalinyarrada gobolka.

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin iyaguna dhinacooda ka hadllay munaasabadda ayaa bogaadiyay sida quruxda badan leh oo ay isku soo abaabuleen dhallinyarada gobolka, iyagoo u rajeeyay guud ahaan dhalinyarrada mustaqbal wanaagsan iyo in ay ka shaqeeyaan nabada.

Intii ay Munaasabaddu socotay ayaa laga qaaday heeso madadaallo ah oo ay halkaa kusoo Ban-dhigayeen faniin isugu jiray Wiil iyo Gabdho si weyn u soo jiitay dareenka Xubnihii ka qaybgalay oo dhan.

Sidoo kale, Waxaa Xusid mudan in Halkaas lagu soo bandhigay Sawirro iyo Muuqaallo ka tar-jumayay wax qabadka ururka dhalinyarrada oo dhinacyo badan lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya