4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo si Weyn looga Xusay 15-ka May [SAWIRRO]


Jimco, May 15, 2015 (HOL) - Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta siweyn looga xusay 15-ka May oo ku asteeysan maalintii la aasaasay dhaqdhaqaaqii ururka dhalinyarada gobanima doonka Soomaaliyeed, kuwaasoo dalka Soomaaliya u horseeday madaxbanaanida uu maanta heeysto.

Ururka dhalinyarada Jubbaland ayaa soo qabanqaabiyay munaasibad aad u heersareeyso, taasoo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan maamulka Jubbaland iyo weliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhalinyarada ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, waxayna ugu danbeyntii isugu tageen xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay xafladdu ka dhaceeysay.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Jubbaland Ahmed Taqal oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay ayaa ka taariikheeyay halgankii ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isagoo sheegay in dhalinyaradu ay dowr muhiim ah ka qaadan karto nabadda iyo horumarka.

Dadkii xafladda kasoo qeybgalay waxaa kamid ahaa madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere), afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax, Gudoomiyaha gobolka C/rashiid Gooni, Gudoomiyaha degmada Ibraahim Max'ed Yuusuf iyo madax kale.

Dhammaan masuuliyiintii ka hadashay madasha ayaa hambalyo ku aadan maalintan u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale ku booriyay in dhalinyaradu ay ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii Soomaaliya ay ku gaari lahayd meel ka wanaagsan halka ay imika joogto.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.