4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
RW SHARMA’ARKE: Dhallinyarada Maanta Waa in ay La Yimaadaan Wadaninimo iyo Dal Jacayl


Jimco, May 15, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa ku tilmaamay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed inay qiimo weyn ugu fadhido shacabkeenna, isla markaana ay baal-dahab ah kaga jirto Taariikhda Somalia ayna hormuud u ahayd dhalashadii xorriyadda aan maanta haysano.

Sharma’arke ayaa sheegay in ummad walba ay leedahay Maalin ay billowday Hal-ganka ay ku heshay xorriyaddeeda, waxaana 72-sano ka hor isku yimid dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay dhibaatooyinkii uu gumaystuhu ku hayey shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta oo kale 15-ka May 1943-kii, waxaa dhidibada loo taagay ururkii la magaca baxay SYC (Soomaali Youth Club) waxaana asaaskiisa iska lahaa 13-dhallinyaro oo Soomaali ah. Sanadkii 1947-kii ayaa si rasmi ah loo qaatay magaca ah SYL ee (Somali Youth League), iyadoo xilligaas Qaaradda ka jiray kacdoon gumaysiga ka dhan ah. Calankan buluugga ah oo dusheenna ka babanaya waxaa hanashadiisa loosoo maray Halgan dheer oo Dhiig ku daatay, waxaa lagu waayay dhaqaale faro badan,” ayuu yiri RW Sharmarke.

Wuxuuna dhanka kale xusay inaan meesha laga saari karin doorka gabdhaha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen hal-gankii xornimo-doonka, waxayna muujiyeen taageero dhan kasta ah; isagoo intaas ku daray inay si gaar ah u xasuusanaynaa Xaawo Cusmaan "Xaawo Taako" oo gumaystuhu ku dileen afaafka hore ee xarunta dhallinyarada SYL.

Sharma’arke ayaa dhanka kale xusay in waqtiga aan joogno uu ka adag yahay marxaladdii taagnayd xilligii SYL, isagoo yiri. “Waxaa maanta jira codow maalin iyo habeen u taagaan ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagama maarmaan ah inaan muujino midnimo si Waddanka looga saaro Cadowgaan muqaalka Soomaaliyeed leh. Waana lagama maarmaan i dhallinyaradu qaataan maanta kaalintii ay qaateen dhallinyaradii xornimada keentay.”

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya ayaa ugu baaqaya dhallinyarada Soomaaliyeed inay u soo jeestaan horumarka dalkooda, kana waan-toobaan tahriibka iyo inay ka bar-bar dagaal-lamaan kooxaha Xag-jirka ah. Wuxuuna yiri. ”Maanta waxaa dalkeenna jooga dhallinyaro ka aqoon badan 13-kii asaasay SYL, laakiin waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan wadaniyad iyo dal jacayl, waana taa midda dhallinyaradii joogtay xilligaas ay ku gaareen hanashada xoriyadda.”

Maanta ayaa waxay ku beegan tahay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalka oo dhan maanta looga dabaal-dagayo xuska maalintii la aasaasay ururkii xorriyad-doonka ee SYL oo ay aaseen 13-dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya