4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
Waddooyinka Hor-mara Xarunta Baarlamaanka Kenya oo loo Xiray Sababo Ammaan (SAWIRRO)


Jimco, May 15, 2015 (HOL) — Waddooyinka kala ah; Parliament Road iyo Harambee Avenue oo dhinacyada ka maro xarunta Baarlamaanka Kenya, ayaa maanta la dhigay jid-gooyooyin, waxaana lagu arkaayay ciidamo Boolis ah oo halkaas ku baarayay gaadiidka, kana xadiday darawallada iney isticmalaan jidadkaas.

Kaliya Baabuurta galaya xarunta Baarlamaanka iyo xafiisyada dowlada ee u dhow, ayaa loo oggol yahay, iney ka gudbaan birahaas lagu xakameynaayo socodka gaadidka ee yaallo aga-gaarka Aqalka Baarlamaanka, qiyaastii meel aanan ka fogeyn xarunta weyn ee Booliska Kenya.

Ciidamada, ayaa sidoo kale waxey weydiinayeen wadayaasha halka ay u socdaan iyo waxa ay doonayaan. Iyagoona u tilmaamaayo iney isticmalaan wadooyinka kale ee loo ogol-yahay, hadii aynan u soconin xarumaha dowlada.

Jidka Baarlamaanka hormaro oo isku xiro qeybaha kale ee town-ka Nairobi iyo Xarunta Baarlamaanka, ayaa wuxuu ka xiran yahay halka ay iska gooyaan  wadada City-Hall Way gaar ahaan aga-gaarka hotelka Hotel Intercontinental, halkaasoo ciidamadad boolisku ay ku hakinayaan baabuurta.

Dhinaca kale, Wadada Harambee Avenue oo horto marto Xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Xarunta Weyn ee Bilayska, Xafiiska Sharciga iyo goobo muhiim ah oo ka tirsan Xarumaha dowladda, ayaa iyadana waxey ka xiran tahay dhinaca ay maraan gaadiidka ka yimaado Degmada dhexe ee Ganacsiga Kenya CBD ama (Central Business District), iyadoo jidgooyadana ay taallo halka ay iska gooyaan Harambee Avenue iyo Tumbo Avenue, oo u dhow dhismaha Wasaaradda Maaliyadda.

Edward Mwamburi  oo ah Taliyaha ciidamada Taraafikada Nairobi oo ka hadlay sababta loo xiray wadooyinkaas, ayaa ku sheegay iney tahay ammaanka dartiis, wuxuuna intaas ku daray in dhaq-dhaqaaqa darawallada iyo baabuurta maraayo aagga Baarlamaanka si weyn loola socon doono.

Si kastaba aha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo bishii aynu soo dhaafaynay lagu xiray baarlamaanka Wadanka Kenya nin ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka oo lagu magacaabo Cali Cabdul Majid Ahmed, kadib markii lagu eedeyay inuu kala shaqeynaayay ururka Al Shabaab sidii ay weeraro ugu qaadi lahaayeen dhismaha Baarlamaanka Kenya.

Afhayeenka Golaha Baarlamaanka, Justin Muturi ayaa markii ninkaas la Qabtay Kaddib, Wuxuu ka Mamnuucay Aqalka Baarlaamaanka Kenya inay galaan Dadka martida ah ee anaan wadanin kaararka booqashada idman.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya