4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo Burundi ku laabtay & Afgambigii Millateriga oo Fashilmay


Jimco, May 15, 2015 (HOL) - Hoggaamiye ku xigeenkii ciidamadii Afgambiga ka sameysay Waddanka Burundi ayaa sheegay inuu fashilmay inqilaabkii ay doonayeen inay xilka kaga tuuraan madaxweynaha dalkaas, Pierra Nkurunziza oo dibadda safar ugu marqnaa maalintii Arbacaada ahayd.

"Shaqsi ahaan, waxaan rumeysanahay in afgambigii aan sameynay uu fashilmay," ayuu yiri Jen. Cyrille Ndayirukiye oo hadlay Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP. isagoo intaas ku daray "Ciidamadii aan qorsheynaynay inay qayb ka qaataan afgambiga ayaa taageeray xisbiga talada haya."

Hadalka sarkaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la sheegay xalay in madaxweynihii Burundi uu dib ugu laabtay dalkiisa, iyadoo tan shalay ay magaalada Bujumbura ka socdeen iska-horimaadyo u dhexeeya xoogagga afgambiga sameeyay iyo ciidamo taageersan Nkurunziza.

Jen. Godefroid Niyombare ayaa sheegay Arbacadi lasoo dhaafnay inay go'aan-sadeen inay xilka ka tuuraan madaxsweynaha wadanka Burundi, kaddib markii uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka dalkaas u yaalla.

"Madaweynaha Burundi Pierre Nkurunziza hadda wuxuu ku sugan yahay Burundi," ayuu yiri la taliyihiisa dhanka isgaarsiinta, Willy Nyamitwe isagoo intaas ku daray. "Waxaan oran karaa xaaladda hadda way ka hagaagsan tahay sidii hore, maxaa yeelay inta badan caasimadda inaga ayaa gacant ku hayna."

Sidoo kale, wararka laga helayo Bujumbura ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan xalay ku hoyan aqalkiisa madaxtooyada, balse uu joogay deegaankii uu ku dhashay ee Ngozi, halkaas oo ay ciidammo badan ku ilaalinayaan.

Isku-daygan afgambi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dalkaas ka dhaca tan iyo 2005-kii markaasoo dalkaas uu ka baxay colaadihii sokeeye, waxaase dalkaas ka taagan muran siyaasadeed, kaddib markii madaxweynuhu uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxnimo ee dalkaas markii saddexaad.

Dagaalladii shalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Bujumbura ayaa la sheegay inay ku dhinteen 10-askari oo dhinacyadii loolamayay ka mid ah, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, balse xaalada ayaa maanta u muuqata inay deggen tahay sida ay wararka lagu helayo.

Onasphore Ndayishimiye oo ka mid ah Dadka ku Nool Caasimadda Burundi ayaa sheegay in ay jirto cabsi weyn oo ay Shacabku ka Qabaan Dagaallo dhaca, Isagoo yiri. "Ciidamadu rasaas ayay igu soo fureen markii ay i arkeen anigoo gurigeyga hor-jooga. Waxaana anigoo gur-guuranaya ku cararay gurigeyga."

Rabshadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi ayaa ku qasbay 50,000 oo qof oo ka mid ah Shacabka dalkaas inay u Cararaan Dalalka dariska ah, iyagoo baqdin ka Qaba inay dagaallo ku saleysan isir ay dib uga qarxaan dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya