4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2015
MAAYARKA HARGEYSA: Guurtidu Xaq Bay u Leeyihiin Go’aankooda Cidii dood qabtana Wadahadalka ha timaado


Jimco, May 15, 2015 (HOL) - Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxman Maxamuud Caydiid Solteko iyo wefti uu hogaaminayey oo safar shaqo dalka dibaddiisa kaga maqnaa ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa.

Qaybaha kala duwan ee magaaladda oo ay hor kacayaan xildhibaanadda golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa si weyn usoo dhoweeyey, waxaanu maayarku lug kaga soo baxay madaarka ilaa kaantaroolka koonfureed ee magaaladda si uu u gacan qaado dadweynaha u tubnaa soo dhoweynta, kuwaas oo ku dhowaaqayey erayo ay ku soo dhoweynayaa.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko ayaa dadweynihii soo dhoweynayey kula hadlayey barxadda weyn ee wasaaradda Duulista horteedda, waxaanu uga xog waramay safarkii shaqo ee uu ku tagay dhawr dal oo Yurub ah, kuwaas oo ay soo kala saxeexdeen hesiishyo lagu horumarinayo caasimadda Hargeysa.

"Waxaan Mar labaad Iyo Mar sedexaadba idiinka mahadnaqayaa sida fiican ee aad ii soo dhawayseen anoo ka maqnay in dalka howlo shaqo awgeed aniga iyo shan xildhibaan oo kale . Guulo Badani way nooga soo hoy deen howlaha aanu halkaa u tagnay dibna tafaasiil faro badan waan idiinka sheegi doonaa heshiisna waanu soo galay waan markii kowaad ee geeska Afrika wadan ku yalaa uu dalalka Yurub heshiis la soo galo, safarkayagu waxa uu ahaa u jeedkiisu laba qaybood oo kala ah in heshiisyo la soo wada galo iyo in xildhibaanadu tobabar soo qaataan iyadoo qaybta kale bixi doonto bisha Aktoobar ee sanadkan, waxa kale oo la kulmay maayaro ka mid ah kuwo reer Yurub, kuwaas oo ballamo qaadyo xaga horumarka ah noo balanqaadya"ayuu yidhi Maayar Soltelko oo ka hadlayey safarkiisa.

Maayarka oo ka hadlayey u diyaar garowga 18 May waxa uu yidhi " waxa imika foodda inagu soo haysa 18 may qof walba hadii oo Somaliland laba bacood ka qaado caasimada waa nadaafad u soo koradhay wadankeena".

"Qolyahan aanu walaalaha nahay ee Soomaaliya ee wadamada aanu heshiska la soo galay ka daba hadlaya waxaan leenahay adeer waan kala tagnee sheegshegeen hadhan, oo qolo waliba ha ku dadaasho waxay umadeedda u qabanayso, anago dalkayaga cidna u daba fadhiisan mayno oo kun heshiish baanu cida doono la galaynaa"ayuu yidhi mar uu la hadlayey masuuliyiin uu sheegay inay ka ka daba hadleen heshiishyadda aanu la galnay maayari reer Yurub ah.

Sidoo kale, waxa uu maayarku sheegay in aanay magaaladda Hargeysa laga samayn Karin wax amniga waxyeelaya, isla markana xisbiga mucaaradka ugu baaqay in iyagu masuuliyadeedda qaadi doonaan wixii ka yimaad, isagoo dhanka kale dastuuri ku tilmaamay go’aankii uu golaha Guurtiddu ku dhowaaqay.

"Waxaan ka hadlayaa qodabka nabad galyad caasimada nabad galyadeeda cid khalkhal galin kartaa ma jirto, iyaga masuuliyadeedda qaadi doona xisbiyadda mucaaradka ee ku baaqaya mudaharaadyo sharci daro ah, waxa kale leeyahay golah Guurtidu Xaq ayaa u leeyihiin in ay iyagu ku dhawaqaan mudadda ay xalka u arkaan rabshad laga samayin karaa ma jirto ninka ku baqaana isaga ayaa ka masuula wixii ka dhaca caasimada, wax ka dhici karaana ma jirto, marka waxan leeyahy golaha Guurtidda ha la taageero cidii dood ka qabtaana wada hadal ha soo fadhiisato,laakiin magaaladda Hargeysa cid ku hadiddi karta waxba ka dhacaya ma jirto,"

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.